Gabiley Dhalinyaro Xabsiga Loogu Taxaabay Boqolaal Kaadhkii Codbixinta ah Oo Ay Sheegeen In Aaney Ku Codayn Doonin Doorashada Madaxweynaha Ee Soosocota | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley Dhalinyaro Xabsiga Loogu Taxaabay Boqolaal Kaadhkii Codbixinta ah Oo Ay Sheegeen In Aaney Ku Codayn Doonin Doorashada Madaxweynaha Ee Soosocota
October 6, 2017 - Written by Editor:

Gabiley,(W,N)-Wararka soo gaadhaya Shabakada Wararka Ee wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay dhalinyaro dhawaan magaalada gabiley kusoo bandhigay tiro kaadhka codbixinta oo sheegay inaanay u codaynayn musharaxiinta xisbiyada kulmiye Ucid iyo Waddani,

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in xadhigooda ay ka danbeeyaan masuuliyiinta gobolka gabiley oo hore ugu hanjabay dhalinyaradaa inay xidhiyaan Sida Ay hore uga Sheegeen Dhalinyartaasi warbaahinta.

REER GABILEY IYO KAADHADH 22

 

Mid Kamida Wiilsha Loo Xidhay Arrintan Oo Sugan Saldhiga Magalada Gabiley magaciisana Ku Sheegay C/risaaq Maxamed Muuse ayaa noo xajiiyey in falka loo xidhay uu yahay muuqaalkaa ay hore usoo bandhigeen.

Xadhiga Dhalinyaradan Ayaa Kusoo beegmaya Wakhti Adag Oo la galay Ololaha iyo Hirdanka Doorashada Madaxtooyada Somaliland iyadoo Goobaha Musharaxiinta Tartamayaan Sida Gaarka ah Isha ugu hayaana tahay Gobolka Gabiley oo hore loo ogaa Qaybta uu Ku Lahaa Guushii Xisbiga Kulmiye ee ay ka Dhalatay Xukuumada Maanta Talada haysa ee wakhtigeedu gabogabada ku dhow yahay.

Mana aha Markii ugu horeysay ee dhalinyaro noocan oo kale ah loo xidhxidho arimo khuseeya ololaha doorashada iyo Xanafta kala taageerista musharaxiinta Maanta Tartanka Ku Jira.

COMMENTS
LINKS