Duufaanta Nate oo sii xoogaysatay iyo xaalad deg deg ah deegaanada Louisiana iyo Mississippi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duufaanta Nate oo sii xoogaysatay iyo xaalad deg deg ah deegaanada Louisiana iyo Mississippi.
October 9, 2017 - Written by Wariye:

ttSA (WJN):- Duufaanta Nate ayaa waxay dhalisay dabaylo,roobab xoog leh iyo daadad ku fatahay koonfur bari dalka Maraykanka.

Waxay duufaantani garaacday labo jeer deegaanada Louisiana iyo Mississipi Cabsidii weynayd ee la qabay ayaa hada yaraatay balse waxaa weli qatar ku jirra deegaanada Alabama iyo galbeedka Florida.

Duufaanta Nate loo yaqaano waxay horray u soo laysay 25 qof wadamada Nicaragua,Costa Rica iyo Honduras.
Balse weli wax dhaawac ama dhimasho ah kama aysan gaysan deegaanada Maraykanka ee ay hadda ku dhufanayso.
Hotel ku yaala deegaanadaasi ayaa la sheegayaa inay biyo fariisteen. cabsidii weynad ee la qabayna haatan ma jirto.
Koonfurta Alabama ilaa dad gaaraya shan kun oo qof ayaa koronto la’aan ah.
Shan dakadood oo xeebaha ku yaalla ayaa la xiray. Waxaana sidoo kale la daadgureeyey shaqaale halkaasi ka shaqaynayay.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah deegaanada Louisiana iyo Mississippi

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS