Doorashada Kenya Ee Ku Celiska Ah Oo Dhacaysa Maalinta Khamiista Ee Beri | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashada Kenya Ee Ku Celiska Ah Oo Dhacaysa Maalinta Khamiista Ee Beri
October 25, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi,(W,N) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ay maalinta Beri ee  Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa kaddib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

 

20171025636445063697176348dooraaaaaa

Maxkamadda ayaa lagu waday in ay dhageysato dalab lagu doonayay in dib loogu dhigo doorashada ka dib markii laba ka mid ah todobada garsoore ee maxkamdda ay soo xaadirin.

Urur u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa doonayay in dib loo dhigo doorashada maadama guddiga doorashada uusan diyaarsanayn.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista, isaga oo ka digay go’aan ka dhan ah doorashada Khamiista.

 

COMMENTS
LINKS