|
|||||
WAJAALE NEWS
Diyaarad Ku Dhacday Biyaha Badda Dalka Ivory Coast
October 14, 2017 - Written by Reporter:Abidjan,(W,N) – Diyaarad ayaa ku burburtay badda Ivory Coast waxyar un kaddib markii ay ka kacday gagida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Abidjan, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dhowr qof ay dhinteen kuwo kalana ay dhaawacmeen.
Diyaaradan oo ahayd nooca xamuulka qaada ah oo shixnd u sidday milateriga Faransiiska, ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa xogtaas u sheegay bar-ta maxalliga ah ee Koaci. Wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradda laga leeyahay Ukraine ama Ruushka. Roob mahiigaan ah ayaa sababay in diyaaraddu ay soo dhacdo iyadoo burburkeeduna uu ku soo caariyay meel u dhaw xeebta Port-Bouët. Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Kooxaha badbaadada ayaa diyaaradda ka soo bixiyay laba qof oo mayd ah halka laba mayd oo kale lagu dhex arki karo burburka, wakaaladda ayaa sheegtay. Wararka kale ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda ay badbaadeen.
Related posts:Xildhibaan Gavin Williamson Oo ka tirsan Baarlamaanka UK, Ayaa Sheegay In La Joogo Xilligii Ingiriis... "Reer Oodweynoow, Maanta Gobolkii Cagaarnaa Ee Gabiley Ayaad U Eg-tihiin.." Wasiir Siciid Sulub Xildhibaan Eng Aadan Jaamac “Mideeye” Oo Baaq Udiray Asxaabta Siyaasada Iyo Xukuumada Ee Siyaabaha K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|