|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhib Qabyaalada Ka Wayni Qarankan Ma Haysato W/Q: Muhamed Dhimbiil
October 7, 2017 - Written by Reporter:Dalkayga waxa farabaas ku haya xanuun xun oo faafa oo dilaa ah, waa xanuun qofku isaga oo nool uu u dhinto qof ahaan iyo qalbi ahaan.
Xanuunkaasi waxa u jiifa oo uu soo ritay boqolaal kun oo dad ah, halka boqolaal kun oo kalena bukaan socod u yihiin, boqolaal kun oo kalena qarsanayaan in uu hayo xanuunkaasi. Xanuunkaasi waxa uu si isku mida ugu dhacaa caruur iyo ciroole, culimo iyo caamo, macalin iyo ardaygiisii, doctor iyo qofkii uu dawaynayey, bulshada cidna kamuu reebin ilaa inyar oo faro ku tiris ah oo Alle swt uga naxariistay mooyaane. Xanuunkaasi waxa uu dilaa wanaaga iyo wadajirka bulshada, waxa uu la dagaalamaa daawada kaliya ee umadi xumaanta kaga badbaado oo ah cadaalada, cadaalad marka ay umadi hesho ayey horumar gaadhaa. Waa cudur u diiday in uu qofku ka damqado xumaanta, cadaalad darada musuqmaasuqa, biyo la’aanta, caafimaad darada, waxbarasho xumida, sicir-bararka iyo tayo darida adeegyada bulsho. Cudurkaasi waa qabyaaladda oo ina naafaysay qaran ahaan qawmiyad ahaan iyo qof ahaanba, waa waxa hortaagan in aynu horumarno oo shuruucda nidaamka aynu dhiganey shaqeeyaan. Halkii maalintii uu Alle swt ha u naxaariistee CABDILAHI SULDAN TIMACADE ka gabyayey qabyaaladda kamaynaan dhaqaaqin, waxaana ka soo wareegay 70sano ku dhawaad oo waliba aynu soo taabanay gunteedii iyo xumaanteedii. Waxa uu yidhi TIMACADE:- Dul iyo hoosba waan ugu dhigey waa dix dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu uma daloolaane Dadka aan la Hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane Bal in ay qalfoof tahay caqliga dooni laga saaray Waxii hore u daashadaybay degashanaysaaye Doc haday u wada jeedsatooy dhawrto danaheeda Ooy duul walaalo ah tahay ooy duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene way is dabar jaraysaaye Dubbe madaxa waa is kala dhacdaa daaim abidkiise Goortay iswada dooxataybaa daad usoo Galiye Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibadaan ka joognaa sharciga daacada Ilaahe Danbarkeedu waa jahanaba iyo Dogobkii naareede DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE . Haddaba umaduhu dhibaatooyinka way soo wada mareen aduunyadan inagula nooli, laakiin waxa ay kaga baxeen dedaal iyo daacadnimo iyo dad u kacay oo caafimaad qaba. Hanaankeena maamul iyo dawladnimo waxa hagaasiyey dad han yar oo aan himilo fog lahayn oo ay mashquulisay aduunyada iyo dhaldhalaalkeedu kuna shaqaysta qabyaaladda oo maal galiya. Dad badan damiirkoodu wuu diidan yahay habdhaqanka iyo saameynta qabyaaladu bulshadeena ku hayso, madax iyo mijaba, waxaana jira tabasho iyo ka biyo diidanaan nidaamka noocan ah oo isa soo taraysa. Saluuga siyaasadda siyaasiyiinta, shaqada dawlada iyo hab maamulka dawladnimo ee ina haystaa isaguna waa kii uu ka gabyey ABWAAN CABDILAHI SULDAN TIMACADE mudo laga joogo dhawr iyo lixdan sano ka hor. Nimankii malmalay waa kuwii maalay kaligoode Haday maalintii na horkacaan midho ma waynayne Ma naxaanadii baan arliga meerisna u toline Marnaba yeydaan dhicin ragii male kusoo goostay Miyigeena nimankii midida meelwalba isugu dhiibay Kuwii muusanoow iyo tolaay nagula meeraystay Nimankii mashaqada ay dhigeen reerba dhan u moostay Suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhka iyo daarta Mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaarsaaray Mas waabaydii lama dhuunyado iyo midho dhunkaaleede Manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sida e Maraykan iyo waakay baxshaan madaxda nato e Nimankii mabda a reer galbeed nagu madiideeyey Nimankuu mugooduba ahaa maalin la casuumo. Umadani cidina uma maqna ceelna uma qodna adiga iyo aniga ayuu Alle swt inaga dhaliyey hadaynu iskaashano wax badan ayeynu qabsan karaa, dedaalka iyo wacyi galinta hadda ka bilow wax kasta oo midho dhalayba maalin uun baa la bilaabaye. #GARAADKU_HA_SHAQEEYO_DADKAYGUNA_HA_GUULEYSTAAN. INSHA ALLAH Allow umadayda tiiha ka saar
Related posts:Bogagga Taariikhda Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii Qormadii 4aad, Qalinka: Bo... Maxaa Kala Haysta Golaha Degaanka Gabiley Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha, W/Q:Maxamed axmed cabdilaahi... Wasiirkii Hore Ee Maaliyada C/casiis Samaale oo TACSI Udiray Qoyskii Iyo Shacabka S/land Geeridii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|