|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhakhaatiir Ka Yimid Jabuuti Oo Hawl Gal Caafimaad Ka Bilaabaya Magaalada Muqdisho
October 17, 2017 - Written by Reporter:Muqdisho,(W,N) – Xusseen Axmed Gadiid oo ka mid ah dhakhaatiir ka timid dalka Jabuuti ayaa sheegay in maanta ay ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho gurmad caafimaad oo ay u sameynayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho.
Dr Gadiid ayaa sheegay in dhakhaatiirtan ka timid Jabuuti ay u badan yihiin kuwo ku takhasusay Jajabka lafaha iyo gubashada jira iyo daweynta dhaawacyada kale ee wax yeeladu ka soo gaadhay qaraxyada noocan oo kale ah. Dhakhaatiirtan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti kuwaa oo maalintii shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho. Waxaa ay ku biiri doonaan Dhakhaatiir iyaguna ka socda dalka Turkiga oo u yimid magaalada Muqdisho in ay ka qeyb qaataan gurmadka caafimaad ee loo sameynayo dhaawacyada tan dhaafka ah ee ku jira cisbitaallada Muqdisho
Related posts:Daawo ;Magaalada TogWajaale Oo Laga Hirgaliyay Xarun Dadka Dalka Soo Galaya Lagaga Baadho Xanunka ... DAAWO;-Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Munaasibad Sabootin Ah Uqabtay Fanaaniinta Jsl. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmamay Amaro Wasiirka Maaliyadu Ku Soo Rogay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|