Danab Ku Dhacay Deegaanka Lawyo-caddo Ee Xadka Somaliland Iyo Jabuuti Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Gaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danab Ku Dhacay Deegaanka Lawyo-caddo Ee Xadka Somaliland Iyo Jabuuti Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Gaystay
October 2, 2017 - Written by Reporter:

Lawyocado,(W,N)-Danab ku dhacay deegaanka lawyo-caddo ee xadka Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxa uu  gaystay sida wararku nagu soo gaadhayaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

breaking-News3

Waxaana danabkaasi uu ka dhashay kadib markii deegaankaasi uu shalay ka da’ay roob dabaylo iyo calaydh xoogan wata,kaas oo markii danbena uu goob la yidhaa Lama deegaanka oo u  dhaxaysay Kaantaroolka Somaliland iyo Jabuuti uu ku dhacay danab ka dhashay roobkaasi.

Waxaana danabkaasi uu sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana goobtaa danabku ku dhacay marayay saddex ruux oo laba kamid ahi ay rag ahaayeen halka qofka saddexaadna uu ahaa gabadh,waxaana halkaasi uu danabkaasi ku dilay nin kamid ah labadaa nin oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cabdilaahi Faarax (Daafato),waxaana dhaawacyo fudud soo  gaadheen labadii  qof ee kale.

Gabagabadiina maaha markii u horeysay ee danab ku dhacay deegaanada gobolka Salel uu sababo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

COMMENTS
LINKS