Dagaal Ka Billowday Magaalada Al-Mayadiin Ee Dalka Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Ka Billowday Magaalada Al-Mayadiin Ee Dalka Suuriya
October 8, 2017 - Written by Reporter:

Dimishiq,(W,N)-Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu ka socdo bariga dalka Suuriya, gaar ahaanna agagaarka magaalada Al-Mayadiin oo ka mid ah magaalooyinka kooban ee ay maamusho kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

 

_98220982_29199c42-43a0-4ab6-b269-a1cb7ef0e079

 

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in milatariga dalkaasi iyo kuwo ay gacan saarka leeyihiin ay la wareegeen gacan ku haynta qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Waxay intaasi ku  dartay in ku dhawaad dhimasho iyo dhaawac xooggan la gaadhsiiyay dagaalyahannada kooxda Dowladda Islaamka.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada milatariga Suuriya ay ku hareereysan yihiin magaaladaasi Al-Mayadiin.

Dhanka kale, dagaallo ayaa magaalada Taxriir Al-Shaam ee woqooyi galbeed gobolka Idlib waxa ay ku dhex marayaan ciidamada dalka Turkiga iyo mintidiin reer Suuriya ah.

Dhinacyadan ayaa xabbad is weydaarsaday xilli ciidamada Turkida ay qaadayeen qeyb ka mid ah xeyndaabka xudduudda labada dal.

Shalay oo sabti ahayd ayaa madaxweynaha Turkiga Erdogan waxa uu shaaciyay guluf cusub oo ka dhan ah magaaladaasi Taxriir Al-Shaam, kaa oo ay qaadayaan fallaagada reer Suuriya oo garab ka helaya ciidamada Turkiga.

COMMENTS
LINKS