Dagaal Dhexmaray Maleeshiyaad Ka Soo Kala Jeeda Maamulada Puntland Iyo Galmudug | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Dhexmaray Maleeshiyaad Ka Soo Kala Jeeda Maamulada Puntland Iyo Galmudug
October 26, 2017 - Written by Reporter:

Mudug,(W,N) – Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood dhaca Bariga Gobolka Mudug.

20171026636445977637726762dagaal-mudug-640x360-1132x670

Dagaalkan oo soo bilowday aroornimadii hore ee saaka ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, maadaama intii uu dagaalka socday ay soo gaadhayeen gurmadyo kala duwan.

Dagaalka oo hadda u muuqda mid istaagay ayaa dhinaca kale waxaa wali is hor fadhiya maleeshiyaadkii ku diraray halkaa.

Tiro ka badan 10 ruux oo maleeshiyaadkii dagaalamay ah ayaa lagu waramayaa in ay dhinteen halka ku dhawaad 20 ruux kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Duqa magaalada Gaalkacyo Yuusuf Xirsi Bare ee dhanka Galmudug ayaa wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Bariga Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay ka maamul ahaan in ay wax ka qaban doonaan colaadahan.

Dagaalka maanta ayaa ka duwan dagaalada soo noq noqday ee labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug, maadaama maanta keliya ay barakac sameeyeen dad aad u badan.

Dadka reer Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujinaya dagaalka culus ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmara Bariga Gobolka Mudug, waxayna dadku ka baqdin qabaan in dagaal uu ka qarxo magaalada.

 

 

 

COMMENTS
LINKS