DAAWO ; Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Madax Dhaqameedka Ugu Baaqay In Joojiyaan Ololaha Qabyaaladaysa Ee Ay Wadaan Iyo Fariinta Uu Udiray Murashixiinta Xisbiyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Madax Dhaqameedka Ugu Baaqay In Joojiyaan Ololaha Qabyaaladaysa Ee Ay Wadaan Iyo Fariinta Uu Udiray Murashixiinta Xisbiyada.
October 17, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) DAAWO Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo kamida Madax dhaqameedka Somaliland Ismarkaana ah mudane katirsan Golaha Guurtida Jsl Ayaa fariimo kala duwan u diray madax dhaqanka iyo hogaamiyayaasha asxaabta qaranka,

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo  katirsan Saalaadiyiinta Beelaha Subeer Awal gaar ahaan Suldaanka   Beelaha Sacad Muuse ayaa wax laga xumaado ku Tilmaamay Ololaha Qabyaaladaysan Ee ay Maalmihii ugu danbeeyay  Wadeen Qaarkamida Madax Dhaqanku ismarkaana ah Kuwo qabyaaladaysan   oo kala fogaynaya shacabka reer Somaliland ayaa suldaanku wuxu ugu baaqay xubnahan salaadiyiinta ah ee ololahan wada in joojiyaa hadala ay warbaahinta ka wadaan ee  bulshada kala qaybinaya.

Sidoo kale suldaan ayaa  murashixiinta asxaabta ugu baaqay in ay isku hambalyeeyaan hada ka guulaysa ka kale u Haneeyo guusha,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SULDAANKA;

COMMENTS
LINKS