Daawo Nolosha Mataano Isku Dheggan Oo Khatar Ku Jira. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Nolosha Mataano Isku Dheggan Oo Khatar Ku Jira.
October 24, 2017 - Written by Wariye:

N_98453200_ce6df074-6ccb-4042-9812-626f4df02bedolosha mataano Falastiiniyiin ah oo isku dheggan ayaa khatar ku jirta haddii aan laga kaxeyn Gaza, sida ay dhaqaatiirtu sheegayaan.

Alam Abu Hamda oo ka tirsan isbitaalka Shifa ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dhallaankan gabdhaha ah aysan waxba ka qaban karin dhaqaatiirta ku sugan geyiga xeebta, kaas oo ay go`doomiyeen Israa`iil iyo Masar.

_98453201_49ea7d18-5bd3-43cc-8b60-ac365d77c7da

Wuxuu sheegay in rajadu ay ahayd in dibadda loo qaado si loo kala saaro.

Gabdhaha ayaa isaga dheggan bogga iyo qaybaha hoose ee jirka. Waxaa la dhalay Sabtidii, mid ka mid ah gabdhaha ayaa la sheegay inay ka daciifsan tahay midda kale.

Mataanahan ayaa wadaaga hal lug balse waxay leeyihiin wadnayaal iyo sanbabbo mid walba u gaar ah. Mataanaha isku dheggan ee wadaaga xubnaha ugu muhiimsan ayaa badanaa haysta fursad yar oo ay ku badbaadaan.

Dr Abu Hamda ayaa sheegay in halka xaaladda mid ka mid ah mataanaha ay wanaagsan tahay, balse walaasheed ay xaalad adag ku jirto

 

 

Hargeisa Office

Wjn

Wariye: Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS