Codkaagu Yuu Ku Eersan, W/Q: Yasmin Omar Hadrawi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Codkaagu Yuu Ku Eersan, W/Q: Yasmin Omar Hadrawi
October 28, 2017 - Written by Reporter:

Ma iswaydiisay hadaa,maxaa inaga khaldan ee dad yar ama shakhsiyaad tiro yari inoogu sheegaan waxay rabaan ee aynu inagoon shaandhayn

vote(3)

 

 

Xaaraan hadii lagu dhiso xalaal laguma dhiqi karo…….

Waa dhibta ka jirta hab  dhiska iyo hab dhaqanka  ololaynta doorashada,

dalkeena maanta, hadii aan wax laga bedelina waxay,uun noqon mid aan waligeedba loo aayin. Hadaba yaa iska leh xalaalayn teeda iyo xalaal ku dhiqideeda? Muwaadin qayb wayn baad ka tahay, waxaad tahay adeegaha ugu wayn ee labadaa qodob kana falcelinkara isticmaalina kara kartidiisa iyo aqoontiisa shakhsi.

Ma iswaydiisay hadaa,maxaa inaga khaldan ee dad yar ama shakhsiyaad tiro yari inoogu sheegaan waxay rabaan ee aynu inagoon shaandhayn madaxa u lulnaa! Ma eegtay oo maderistay dadkaad ku tuhmayso aqoonta iyo sida ay kuugu duwayaan wadada iyaga u haboon wakhtiga iyaga u haboon. Imasaad aragtay dad uun iyagu u heelan dantooda shakhsi adna kaaga sheekeeya danta guud, danta reernimo iyo dano kale oo aakhirka ku dambeeya mid shakhsi!

Ma waxaad waligaa ahaan doontaa jidka isku xidha labada danayste ee ku heshiiya danahooda gaarka ah. Maxaad filaysaa marka aadan si xalaala u gorgortamin inaad heli? Maxaad ka dhaxli doontaa markaad u xagliso koox ama shakhsiyaad aan barito xalaal kugu dhaqayn?

 

Aqoonteenu maanta ha dhaafto buugu waa imisa cutub, balse haku salaysnaato, dhaxal reeb taban ma leeyahay.

Waayo wakhti baa inagu soo wajahan aynu codkeena ku kasban doono danta guud oo la mideeyo ama danta gaar ahaaneed oo la xoojiyo.

Maaha inaynu ku daba daalno waxaynu hore u aragnay iyo inaynu ku xiiqno masaconaysaa mise waa sideedii, marwalba shacabku tuu ku midoobaa socon,laakiin aynu ku midawno xaqqa iyo danta guud, iyo inanynu la xisaabtano kuwa kastoo lunsada kalsoonideena aynu siinay.

Wadanku maanta maalin uu ka liito kana cabsi badan yahay ma jirto marka loo eego xaga dhaqaalaha, iyo Aminga! awalba dhaqaale buuran maynu lahayn maantana waxa ina galay musuq iyo sicirbarar wada socda waxaynuna qarka u saaranahay  in dhaqaalaheenu dumo,qaranimadeenun ay dhaawacanto Somaliland cadaw badan bay leedahay oo gaal iyo Muslim ba leh madaw iyo cadaanba leh!!  Waxayna u  muuqataa in dadkoobani isku dir iyo xumaan aloosayaan,aragtidooduna gaaban tahay,

” Nimaan Waxa Jooga garani waxa socdana ma garto”

Markaa ma sidaasaynu  doorashooyin ku galaynaa!

Dal dhaqaalihiisu halkii u hooseeyey marayo dadkiisii bahalo laysaga dhigay oo hadana isbedel siyaasadeed ku wajahan baynu shaahid ka noqonaynaa inteena gaadhaa,wakhti aan inaga fogayn, markaa muwaadin taaduun ha eegine, eeg ta kuwa adiga inaad u doorto kaa mudan een iyaga codkooda la maqlayn, kuwa wadankan ku dulman meelkalena wax u ool, kuwa hoy waxbaradho iyo hoy caafimaadba haysan, kuwa mustaqbalkoodii tahriib noqday, ee cadawgu saxaaraha ku cunay. Kugu dhiirin maayo cid gaara laakiin maskaxdaada shiil oo caqli ku codee,oo caadifad ha ku codayn.

Codee oo, codkaagu yuu ku eersan.

Saddex qodob baan qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa oo ah codsi iyo dardaaran dirayaa:-

Shacabka Somaliland:- xamaasadu yay idinla gelin meel barri aynu ka shalaayno, taageero iyo cod hufan  aynu ku galno doorasha burbur iyo colaad midina xeedho inoo buuxin maayo, wada jir nabadgalyada aynu u ilaashano.

Ganacsatada Somaliland:- gaar ahaan,   kuwa iyagu ku milmay siyaasada iyo qabiilka cidi idinkama liidanayso hadaa xumaha iyo kala qaybinta ummadan lacagtiina loo adeegsado, oo aydaan u tudhin dadka iyo dalka,idina barri wax ku li’idin ee intiina dhooqada ku jirtaay ka baxa siyaasadana ehelkeeda u daaya.

Madaxda mustaqbalka:- anigoo ugu horayn ixtiraam iyo qadarin u haya saddexda musharax, illahayna uga baryaya inuu sida khayrku ku jiro waafajiyo,waxaan kaloo odhan lahaa bulsho caafimaad qabtaa la hogaamiyaa, maanta lama joogo xiligii muusanaw iyo dacarro hore laysku soo kicin lahaa.

Hadaad rabtaan inaydun sidii hogaamiye beeleedyo u tartaan barrina kuwo maleeshiyaad leh baydin noqoton! film kaasina  idinma seegana waaka dalka Somalia dhabaduu ku jiro mariyey. Hadii kalese ummadan nabad ugu baaqa oo ficil ka midaysan, xumaha iyo kalaqaybsanaanta na tusa.

Kolay wadankan hal madaxwaynuun baa u soo bixiye karaamo u yeela kursiga danta dadka iyo dalkana ka taliya, xasilooni darro badan baa ka muuqata dadka maanta, idinkaana ka masuula, waayo ninkastoo calanka xisbigaaga sitaa, sharaftaadii buu sitaa ogow, wuxuu bi’iyaana waa dushaada.

Kasoo baxa iyo kuwiina kaleba dadka iyo qaranimada iyo midnimada Somaliland hanoqoto hadafkiina koowaad.

Dhambaalkayganina waa mid ka turjumaya muwaadin saluugay sida wax u socdaan,ee cid gaara ma khuseeyo.

 

ILLAHAY WAXAAN KA BARYAYAA INUU XAQA INNA TUSO OO AYNU NOQONO KUWII NIMCADIISA

KU XAMDIYA MARWALBA

 

“GUUL SOMALILAND MIDAYSAN

 

Ysmi_hadrw@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS