30 Cisho Ka Dib Waddani Wuxuu Soo Celin Doona Rajada Shacabka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
30 Cisho Ka Dib Waddani Wuxuu Soo Celin Doona Rajada Shacabka Somaliland
October 14, 2017 - Written by Reporter:

Waxaan shaki ku jirin xiligii la dooranayay xisbigii UDUB iyo madaxweyne Rayaale in qarankani baahi u qabay hirgalinta nidaamka doorasho.

 

diini diini

Waxa luntay oo lunsan, gabi ahaanba meesha ka baxday yididiiladii, hamigii, higsigii shacab weynaha reer Somaliland intii ay talada dalka haysay Xukuumada ku abtirsata xisbiga KULMIYE.

Waxaan shaki ku jirin xiligii la dooranaayay madaxweyne Cigaal in shacabka reer Somaliland baahidooda ugu weyni ahayd NABAD wadajir iyo dhisida dawladnimo dhamaystiran heer gobol ilaa heer degmo.

Waxaan shaki ku jirin xiligii la dooranayay xisbigii UDUB iyo madaxweyne Rayaale in qarankani baahi u qabay hirgalinta nidaamka doorasho ee dalka xidhiidhka beesha caalamka gaadhista xuduudaha dalka taabo galinta hanaqaadka nidaamka Asxaabta badan tiina waa lagu guulaystay.

Waxaan shaki ku jirin wakhtigii la dooranaayay xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo in baahida ugu weyn ee shacabka reer somaliland ahayd sidii Jamhuuriyada Somaliland u heli lahayd aqoonsi Caalamiya maadaama la dhisay dhamaan Tiirarkii qaranka taansina Kulmiye iyo Xukuumadiisu wey ku guuldaraysteen waana xukuumada kaliya ee ku guuldaraystay wixii loo igmaday.

Sidaadarteed lagama yaabo in markale la doorto xisbiga Kulmiye waayo waa mid guuldaraystay.

Rajada shacabka Somaliland waxa markale soocelindoona xisbiga bahwadaagta ah ee WADDANI kaasi oo ah siyaasiyan mid dhisan dhankasta keenina kara Aqoonsi caalamiya oo ah ka keliya ee ka dhiman dawladnimada Somaliland.

 

Qalinkii: Nuura Diin

COMMENTS
LINKS