|
|||||
WAJAALE NEWS
Yeyda Oo La Ogaaday In Qaab Codeyn Ah Ay Ku Go’aan Qaataan
September 6, 2017 - Written by Reporter:Cilmi Baadhis cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in yeydu ay leeyihiin nidaam go’aan qaadasho ah oo la yaab leh, kagana duwanyihiin xayawaanka intiisa kale. Daraasadan oo ay sameeyeen aqoonyahano ka kala socda jaamacaddaha New Wales ee magaalada Sydney ee Australia iyo jaamacadda Brown ee Maraykanka iyo waliba tan Swansea ee isla Maraykankan ayaa lagu ogaaday in yeydu ay qaab codbixin ah go’aanka u qaataan iyaga oo adeegsanaya hatishada. Go’aanada ayaa waxaa ka mid ah marka ay tahay in ay ugaadhsi tagaan iyo marka kale.
Dr. King oo ka tirsan cilmi baadhayaasha ayaa yidhi “hatishada ayay u adeegsadaan qaab codbixin ah, haddii tiro go’an oo ay isla hatishoodaan, markaas waxaa dhacda in ay ku dhaqaaqaan ugaadhsi”. “Waxaa jira guntan ama kooram loo baahanyahay, waxaana xitaa nidaamkan isticmaala noolayaasha kale qaarkood” ayuu intaas ku daray. Cilmi Baadhista ayaa sidoo kale muujisay in ay jiraan xubno ka tirsan yayda oo codkooda uu ka awood badanyahay kuwa kale, oo haddii ay hatishoodaan lagu go’aan qaadanayo. Reena Walker oo ka tirsan jaamacadda Brown ayaa tidhi “Marka kan labka ah ee ugu daaxuursan ama dhadigga ugu gaanjibosan ay ka qayb qaadanayaan codeynta, waxaa kaliya loo baahanyahay dhawr hatisho oo kaliya si go’aanka loogu dhaqaaqo, haddiise aysan ka mid ahayn waxaa loo baahanyahay hatisho intaas aad oga badan si loo talaabo qaado, qiyaastii illaa 10 hatisho”. Cilmi Baadhistan ayaa waxaa lagu daabici doonaa majaladda seeyniska ee The Proceedings of the Royal Society B. Nooca yayda daraasadda lagu sameeyay ayaa ah kuwa Afrika ku nool ee sii dabar go’aya, waxaana daraasadda laga sameeyay seero ku taala dalka Botswana , halkaas oo lagu illaaliyo yaydan si ayna u dabar go’in. Inkasta oo ay jiraan xayawaano aad u badan oo leh nidaam iyo kala dambayn iyo waliba hoggaan, haddana waa markii koowaad oo la ogaado in aragtida dhexdooda ah oo codeynta ay ka mid tahay waxyaabaha la tixgaliyo. Yayda Afrika
Related posts:Lama Huraankii la Hakraday: Reer Miyiga Tabaaloobay Xilkooda Iyo Xisaabtoodaba Yaa Sida? By Abdirasa... Mujaahid Iid Jiciir Oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa + Ehelki Iyo D... Isbahaysiga Siyaasadeed Waxa Uu La Kowsaday Hanaanka Dimuqaradiga Ah Ee Somaliland,Waxaana Uu Xal Un... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|