Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xafiiskii Xisbiga Wadani Ee Degmada Alleybadey Si Tuugo Ah U Mariyay Calaamada Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xafiiskii Xisbiga Wadani Ee Degmada Alleybadey Si Tuugo Ah U Mariyay Calaamada Kulmiye.
September 7, 2017 - Written by Editor:

Alleybadey(WJN)-Fadeexad Culus ayay ku noqotey Xisbi Xaakimka Kulmiye oo Dhoolatus nafla caari ah Maalmihii u Dambeeyay kujoogay Gobolka Gabiley kadib markii Xildhibaan Buraale Mawliid oo katirsan Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxey Degmada Alleybadey uu saqbadhkii xaley si Tuugo ah Ranjiga calaamada Kulmiye ee astaanta Calankooda cagaarka iyo Huruuda ah ugu buufiyey Xafiiska Wadani ee kuyaala Gudaha Magaalada Alleybadey Xafiiskan oo uu dhinaciisa ka maroora dilaacsanaa Wasiirka Beeraha Maxamed Aw Daahir oo Isaguna ku aflagaadeeyay Beel Dhan oo katirsan Beelaha Deegaanka Degmada Alleybadey.

XILDHIBAAN BURAALE

Haseyeeshee,Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Degmadaasi ayaa Subaxdii markii ay ka War heleen dhacdadan waxa ay Weerar ku Qaadeen Xildhibaan Buraale oo ay ku qasbeen in uu Gacantiisa ku mariyo Ranjigii Xisbiga Wadani taas oo uu isku madax furtey laakiin Qalasaase hor leh ka Abuurtey Alleybadey.

Waftiga uu hogaaminayey Murashaxa Kulmiye iyo Madaxweyne Kuxigeenka Murashaxa kuxigeen u ah ayey Dhacdadani Waji Gabax weyn ku noqotey Socdaalkoodii Degmada Alleybadey iyadoo Qeybo badan oo Reer Alleybadey ahi ku diidan yihiin Muuse Biixi Utunta Dilkii Mujaahid Axmed Golhaye oo isaga lagu Xidhiidhiyo.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS