|
|||||
WAJAALE NEWS
Xiisad Ka Dhalatay Cashuurta Qaadka Oo Ka Taagan Magaalada Laascaanood
September 18, 2017 - Written by Reporter:Laascaanood,(W,N)-Maalintii labaad ayaa magaalada Laascaanood waxa socda kacdoon ay samaynayaan dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kaddib markii qiimaha cahuurta kor loo qaaday. Qaar ka mid ah hawlwadeenka shirkada jaadka ee Jabuuti oo ku hubaysan qoryaha dagaalka ayaa isugu baxay duleedka magaalada Laascaanood kuwaas oo sheegaya in ay dagaal ka xigaan kordhinta canshuurta. Maxamed C/laahi oo ka mid ahaa kuwii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay cashuurtu awel ku badnayd isla markaana aysan qaadi karin mid intaas ka badan. Dumarka jaadka iibiya ayaa iyaguna sameeyey isu soo bax ay arintaas kaga soo horjeedaan. Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ayaa wada dadaal ay doonayaan in ay xiisadan ku damiyaan, waxaase muuqata in arintaasi aanay weli suuragal ahayn iyadoo wakhti kooban lagu xidhay Hargeysa mulkiilaha shirkada Jabuutaawi shalay. Xidhiidh aan isku daynay in aan la yeelano masuuliyiinta nabadgelyada ayaan suurtagalin si aan wax uga ogaano waxa uga qorshaysan kacdoonkan. Maaha markii ugu horeysey ee sidan oo kale qalalaase qaadku sababo uu ka doco magaalada Laascaanood, iyadoo inta badan ay cashuurahu noqdaan furaha kiciya. Xigasho, Hiiraan Online Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|