Waxka Baro Qaacidoyinka Jacayl Ee Ku Duugan Heesaha Abwaan Maxamed Cali Kaariye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxka Baro Qaacidoyinka Jacayl Ee Ku Duugan Heesaha Abwaan Maxamed Cali Kaariye
September 1, 2017 - Written by Reporter:

Waxaynu ognahay in AHN Abwaan Maxamed Cali Kaariye, uu ka mid ahaa hal-doorkii dhidibada u aasay suugaanta somaliyed bilawgii, iyo asaaskii seeska loogu taagay fanka iyo riwaayadihii masrixiyadda wuxuu mudo dheer soo ahaa gudoomiyihii hobaladii  waaberi.

Waxaa xusid mudan in abwaan Maxamed Cali Kaariye uu ka mid ahaa foolaadkii ama shikhsiyaadkii ugu horreeyay soomaalida ee uu ku habsaday jacal la taaban karo.

Isagoo inta badan suugaantiisa ku cabiraya waxa uu yahay jacalku, sida uu arko isagu dareen ahaan, caqabad kasta oo kaaga timaada iyo sida looga gudbi karo, su’aal kasta oo lagaa waydiiyo iyo jawaabta ugu macquulsan ee aad ka bixin karto, sidoo kale waxa aynu ka dhex milicsanaynaa heesihii faraha badnaa ee debecsanaa, ee uu curiyay abwaan Kaariye Qaacidooyin kala duwan oo aynu u cuskan karno jacaylka Qof kasta oo jacayl dhabi hayana u tilmaamaya wado uu ku nafisi karo,,. Waana heeso inta badan laga dhugan karo hab-dhaqanka nolosha lamaanayaasha kalgacayl wadaaga ah. Hadaba waxaynu wax ka taabanaynaa jacaylkii kaariye iyo shankaroon, iyo dareenkii kala duwanaa ee ay bulshadu ka bixisay iyo qaacidooyinka falsafad nololeedka wakhtigaa uu adeegsaday abwaanku ee ku dhex duugan heesihii iyo riwaayadihii uu curiyay,
1: Ma hooygii kalgacalkaan
Hibashada xusuustoo
Anigoon hadlaynbay
Naftu hees I leedahaay
Habeenkii taariikhdii
Maalintii hilaadii
Hada saacaday tahay
Iyo marki lay helaay
Isku soo hagaagee
Ereyadani waxay ka mid yihiin hees uu ku luuqeeyo hobalka caanka ah ee Axmed Cali Cigaal, waana heestii ugu horaysa ee abwaan kaariye uu kaga hadlo bilowgii jacaylkiisa, iyo markii uu haleelay sida uu dareenkiisu noqday, iyo xusuusta ay ku lahayd boqcadii ay ku kulmeen Shankaroon Axmed Sagal.
2: wayska maagayaan
Way mala awaalaan
Isagoo mid kaliyay
Toban magac u bixiyaan
Maantay la taahaan
Barrina wuu ka maydhmaa
Jacayl maaha kaasuye
Mar-marsiiya kale iyo
Muraadaysi weeyaan
Murtad iyo dantiisee
Ma tagee cishqigu
Qalbiguu mirtaa
Naftuu mayracshaa…
Ereyadani waxay kamid yihiin hees uu ku luuqeeyo isla Axmed Cali Cigaal.
Waxaana kaariye heesta ku sifaynayaa in jacaylku uu yahay mid kali ah,
isagoo dhaliilaya dadka ama suugaanyahanada xiisaha iyo jacaylka
isku mid ku tilmaama. Isla markaana uu Mid ku dhaco hadana kabaxo,
kadibna mid kale ku dhaco. Waxaanuu inoo iftiiminayaa in
jacaylka dhabta ahi hal mar qofka soo abbaaro, waligiina aanuu ka bixin ee
sidaa qofka qalbigiisa u dhex maaxo, Naftana uu mayracdo, isagoo qofka ku
reebaya xusuus iyo ladh raadna ku
yeelanaya noloshiisa.
3: Lismayoo lafahay jooga
Lawyadaan cuskanayaa
Layga madhi lud iyo jiidh
Way laba codlaysaayoo
Libin waxan u qaataa
Carrab laalan

Laakiina Ereyadani waxay ka mid yihiin hees uu ku luuqeeyo habolka Xasan Adan
Samatar, waxaanuu abwaanku ku tusayaa in marxalada jacaylka marka uu qofku ku jiro fekerkiisu badanayo, sidaa awgeed miisaanka qofku is dhimayo, erey kasta oo kaaga yimaada qofka aad jeceshahayna aad ku qancaysid, Xataa haduu carrab laalaadis yahay.

 

kaariye

 

4: xeerkiisa mudanbaa
Sharaf lagu xurmeeyaa
Aan xaq dhawrro caashaqa

Ereyadani waxay ka mid yihiin hees ay si daran-doorriya ugu luuqeeyaan hobalada Xasan Adan Samatar iyo Shankarroon Axmed Sagal. Oo ah qofka maan qaaday abwaan kaariye, tuducyadan waxaynu ka dheehan karnaa, in jacaylku uu inaga mudanyahay, xaq dhawris ama xurmayn. Qofka aad jeceshahayna kaa mudan yahay sharaf iyo xeer-dhaqan. bini’aadminimo, isla markaana waa dardaaran qaro iyo miisaan leh. (aan xaq dhawrno caashaqa).

 

Diyaariye,Wariye Xamse Jirde Axmed

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS