Wasiirka Beeraha Oo Aflagaadeeyay Qeybo Kamid ah Bulshada Degmada Alleybadey iyo Garta Afxumadaasi Oo Adkaatey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha Oo Aflagaadeeyay Qeybo Kamid ah Bulshada Degmada Alleybadey iyo Garta Afxumadaasi Oo Adkaatey.
September 6, 2017 - Written by Editor:

Alleybadey (WJN)-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir ayaa Aflagaado Qaawan kula kacey beel kamid ah Beelaha Deegaanka Degmada Alleybadey kadib markii uu Madal ilayartu is qabatey kaga dhawaaqey in ay lamid yihiin Yuhuuda.

muuse iyo maxamed

Aflagaadada Wasiirka Beeruhu kula kacey beel.kamid ah beelaha Ismaaciil Xildiid ee Cabdale Abokor gaar ahaana beesha Reer Xoosh ayaa aheyd mid uu si badheedhe ah igula kasey taas oo ay garteeda usoo bandhigeen duqeyda Cuqaasha iyo odoyaasha Degmada Alleybadey islamarkaana, ka cadheysiisey guud ahaanba Shacabka kunool Degmadaasi waxaanay wararka Degmada Alleybadet kasoo gaadhaya Shabakada Wararka Wajaalenews sheegayaan in uu Wasiirka Beeruhu aflagaadadan ku keenay aheyd Bakhaar kamid ah guryaha Waaweyn ee Wajahada Magaalada Alleybadey oo nin ganacsade ahi leeyahey markii uu ka kireeyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani uu Wasiirku taa badelkeedii aflagaadadaasi wada gaadhsiyay beesha uu kasoo jeedo mulkiilaha Guriga Bakhaarka ah iska leh ee aynu kor kusoo xusney.

Arintan ayaa siweyn looga hadalhayey maanta Degmada Alleybadey iyadoo hadalheynteedu gaadhey meel adag oo xiusadi kaga abuuranto waxaanay hoos u dhac weyn ku keentay taageerada Cidhiidhiga ah ee in kooban oo kamid ah Shacbiga Reer Alleybadey u hayeen Murashaxa Kulmiye oo uu mudooyinkan dambe gadhwadeen uga ahaa dhinaca Alleybadey Wasiirka Beeruhu Maxamed Aw Daaahir .

 

WAJAALENEWS DESK

WARIYE XAMSE JIRDE

TOG WAJAALE OFFICE

 

COMMENTS
LINKS