Warbixin Duruufta Iyo Dayaca Nololeed Ee Qaaradda Afrika+SAWIRRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Duruufta Iyo Dayaca Nololeed Ee Qaaradda Afrika+SAWIRRO
September 19, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Bulshooyinka ku nool dalalka Niger, Burundi iyo Afrikada Dhexe ayaa waxaa saamayn aad u xun ku yeeshay colaadaha iyo waliba isbadalada cimilada, taas oo gabaabsi aan hore heerkiisa loo arag galisay cuntadii ay heli jireen.

africa1africa3

Sawir qaadaha lagu magacaabo Chris Bode ayaa booqday dalalkan, wuxuuna soo bandhigayaa sawirradan oo qeyb ka ahaa barnaamij uu ka diyaariyay dhibaatada nololeed ee dadkan haysata.

Waxa sawirradiisa ay sidoo kale muujinayaan sida hawlaha samafalka ay u caawin karaan dadkan.

afrika2africa5

Dadka gargaarka uu noloshooda wax ka badalay waxaa ka mid ah Daniel Nsabiyaremye oo ah nin 28 jir ah, kaas oo inkasta oo uu xirfad lahaa, haddana muusan haysanin qalabkii uu ku shaqayn lahaa.

africa4africa7

Waxaa la siiyay lacag uu kusoo iibsado qalab kala duwan sida dubbe, minshaar iyo agab kale, taasi darteedna maanta ganacsigiisa waa mid bullaalaya.

“Qalabkan waxaan usoo iibsaday mid mid ah, waxaanan ka iibsaday aniga oo isticmaalaya lacagta la i siiyay, hadda waxaan haystaa meel aan nolol maalmeedka ka raadsado, markii hore hal mar ayaan cuni jirtay moxog, hadda labo mar ayaan wax cunnaa maalintii, waliba cunto wanaagsan” ayuu yidhi.

 

africa6africa9

 

Dalka Uganda waxaan kula kulanay labo nin oo lagu kala magacaabo Joseph iyo Nyambaronziza, waxa ay u qdhaab tagaan reerahooda, shaqooyinka ay qabtaana waxaa ka mid ah kuwa aan joogto ahayn sida beer falid, iyo shaqooyin kale oo muruq u baahan.

Guryahooda waa kuwa aad u dayacan, waxayna ku dul yaalaan buur qarkeed deegaanka Kabere ee Uganda

 

africa8africa11

 

Denise Nyamwiza oo 20 jir ah iyada waxa ay mas’uul ka tahay carruurta walaalaheed ah oo ay hooyadeed uga dhimatay, waxa ay ka hor muuqdaan sawirkan iyaga oo taagan gurigooda, waxa ay nolosha ka maaraysaa qudaar ay ku iibiso dariiqyada iyo shaqooyin yaryar oo aan joogto ahayn.

Solange Wanibilo waxa ay la taagantahay qoyskeeda badan, tuulada Bomandoro ee Afrikada Dhexe. Ilmo ay dhashay iyo mid ay ayeeyo u tahay labaduna nafaqo darro ayay la liitaan.

 

africa10africa14

 

Golden Malenue waxa ay hortaagantahay gurigeeda iyada iyo 4 caruur ah oo ay dhashay.

Labadeeda carruur ee ugu yar yar waxaa ka muuqata nafaqo darro aad u daran.

Balse saddex todobaad ka hor waxaa meel u dhow laga furay rug caafimaad , waxayna fursad u heli karaan in xaaladooda wax laga qabto.

 

africa13africa15

 

Magaalada Boganando ee dalka Afrikada Dhexe, waxa ay dhex taagantahay barxadda iskuul ay beeralayda leeyihiin iyada xubno ka tirsan bulshada halkaas ku nool. Iskuulkan waxaa loogu talogalay in beeralayda ay ku bartaan xirfadaha tabcashada.

Hadijatou Cheihou , waa gabadh 15 jir ah waxana uu ku nooshahay tuulada Gao Moussa ee dalka Nigeria, waxa ay caan ku noqotay in ay soo saarto saliidda lawska.

africa17

 

Waxa ay gabadhani ka mid ahayn illaa 30 dumar ah oo loo tabobaray sida saliidda loosoo saaro.

Illaa 90 dumar ah ayaa hadda ka shaqaysta soo saarista saliidda tuuladan.

Dad ayaa masaafooyin fog fog uga yimaada si ay saliiddan u iibsadaan.

 

africa18 afrika2

 

Magaalada Kosama ee dalka Niger, haweenayda lagu magacaabo Xassana Cabduraxmaane ayaa halkan ka muuqata iyada oo dhoola cadaynaysa, lana sawirran koox ay beeraha ka wada shaqeeyaan.

Dhulkan ay beertaan waa kiro, waxayna ka beeraan qudaarta noocyadeeda kala duwan, markoodii hore waxa ay tababar ka heleen hay’ad lagu magacaabo Concern, haddana waxa ay gaadheen heer isku filnaansho.

 

Ninka lagu magacaabo Salifou Axmed waa 70 jir, beeralay ah, waxa uu sidoo kale dhibaato ku qabi jirey in uu quudiyo xoolihiisa marka ay jiilaalka iyo abaarta tahay.

Hadda waxaa meel u dhow laga furay bakhaar calafka xoolaha lagu kaydiyo, halkaas oo uu ka iibsado halkii uu masaafo dheer xoolaha u kaxayn lahaa.


Sawirradan waxaa lagu soo bandhigi doonaa fagaaraha St Martin ee u dhow Trafalgar Square, London , taariikhda marka ay tahay 19 September.

Wariye, Xamse Jirde Axmed

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS