War-Deg-Dega: Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Wadada Halbawlaha Ah Ee Madaxtooyada Hor Marta Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Wadada Halbawlaha Ah Ee Madaxtooyada Hor Marta Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro
September 12, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(Wajaalenews)-Waxaa Goordhawayd Uu Shil Gaadhi Ka Dhacay Magaalada Hargaysa Gaar ahaan wadada hal bawlaha ah ee hor marta madaxtooyada somaliland.

Booyad nooca biya qaada ayaa ku rogmatay jidka hor mara madaxtooyada wax khasaare naafeed ahna muu sababin dirawalkii waday booyada iyo inan kirish booy ah oo la socday ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac fudud waxaana uu burbur xoogani soo gaadhay booyadaas.

IMG_20170912_121736 IMG_20170912_121653 IMG_20170912_121538 Iyadoo uu madaxwayne siilaanyo soo maray jidkaa oo xaniban oo ay booyadu ku rogmatay isagoo saaka ka qayb galay barnaamij siyaasadeedka xisbiga kulmiye oo ka dhacayay hotel maansoor ee magaalada hargaysa walina aan laga qaadin booyadii oo ay xidhay jidkaa iyo isu socodkii baabuurta jidkaa oo xaniban walina aanay waxka qaban ciidanka nabad galiyada wadooyinku.

IMG_20170912_121501 IMG_20170912_121822 IMG_20170912_121451 IMG_20170912_121810 IMG_20170912_121736

 

COMMENTS
LINKS