War deg deg Ah ; Xukuumada Kulmiye Oo Sas ka Qaaday Shirka Aqoonyahanka Degmada Arabsiyo Iyo Ciidamo Boolis ah Oo Goordhawayd Burburiyay Boodhadhkii Shirka Ee Gudaha Magaalada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War deg deg Ah ; Xukuumada Kulmiye Oo Sas ka Qaaday Shirka Aqoonyahanka Degmada Arabsiyo Iyo Ciidamo Boolis ah Oo Goordhawayd Burburiyay Boodhadhkii Shirka Ee Gudaha Magaalada.
September 5, 2017 - Written by Editor:

Ciidamo Boolis ah Oo Burburiyay Boodhadhkii Shirwaynaha Aqoonyahanka Deegaanka Arabsiyo  Ee Gudaha Magaalada iyo xukuumada kulmiye oo lala xidhiidhiyay weerarkan.

ARABSIYO (W,N) Wararka hada nagasoo gaadhaya magaalada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley ayaa noo xajiiyay in  canbaaro  salaadii makhrib waxyar ka hor ay ciidama boolis ah oo wata gaadhi ciidan ah ay gacantooda ku burburiyeen boodh wayn oo ay  ku xardhanaayeen shirwaynaha koowaad ee aqoonyahanka, waxgaradka deegaanka arabsiyo oo lafilayay in uu maalinta khamista ah ka furmo magaalada arabsiya.

ciidamo burburinaya boodhka shirka

Sidoo kale xogahan ayaa tibaaxay in ciidama ay soo amreen maamulka gobolka gabiley oo sida la sheegay maalmihii udanbeeyay si xoogan uga shiki sanaa shirkan iyadoo sida sawirka ka muuqata ay ciidamadu korsan yihiin birtii lo taagay halka ay dadwaynaha magaaladu ku war heleen talaabada ay ciidamadu gacantooda ku fuliyanyaan.

Sicad looma huba ujeedada ka danbaysa weerarkan lagu soo qaaday shirka ay qaban qaabinayeen aqoonyahanka ,waxgaradka iyo dhalinyarada Reer Arabsiyo

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka Midnimo foundation  oo iyagu Leh agaasinka iyo qaban qaabada shirka Mudane Hamse H Hussein Jama ayaa noo xaqiijiyay in gabi ahaanba ay ciidamadu gooyeen boodhkii shirka isagoo sheegay in aanay jirin wax laga waydiiyay burburinta boodhankan iyo amarka lagu jaraytoona.

ururka midnimo arabsiyo

Shirka ayaa waxaa maalmihii udanbeeyay qaban qaabadiisa si xooga looga dareemayay gobolka gabiley iyo qaybo kamida caasimada hargaysa kaasi oo sida ay sheegeen xubnaha gadhwadeenka ka ahi uu yahay shirka  ka madax banaan siyaasadda balse waxaa ciidanka iyo xisbiga kulmiye ay  burburiyeen bodhankoodii    si ay ubaabiiyaan shirkii iyo wada tashigii ay lahaayeen bulshadu

Arinta ayaa kusoo beegmaysa xili uu gobolka gabiley ay ku sugan yihiin murasxiinta xisbiga kulmiye kaasi oo ay ku keeni karto kacdoon dadwayne iyo in lagala hortago diidmo wallow ay bulshada reer arabsiyo hore uga huleeshay xisbi xaakimka kulmiye

 

WAJAALENEWS DESK

ARABSIYO OFFIE

COMMENTS
LINKS