Wakhtigu Waa Xasaasi Doorashooyinkii Baa Soo Dhow ,Anshaxa Iyo Nabadgelyadu Wa Lama Taabtaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakhtigu Waa Xasaasi Doorashooyinkii Baa Soo Dhow ,Anshaxa Iyo Nabadgelyadu Wa Lama Taabtaan.
September 2, 2017 - Written by Reporter:

Waxaan hambalyaynayaa Madaweynaha JSL Mudane Axmed Moxamed{Siilaanyo} iyo iyo Guddida Ladagaanka Musuqmaasuqa iyoMaamul Wannaaga ,Waxaan Cambaaraynaya Qabyaaladda iyo Dhaqan Xumada !,Khatarta iyo Cuddurka noqotay!

Waxaan sa;aamayaa Ummadda JSL oo dhan Dowlad iyo Shacabkaba , ugu horeyn Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ,Golaha Wasaaradda , Golayaasha Qarranka JSL iyo Qof kasta oo Ummadda Xil Qarran u haya .
Waxaa JSL Ceeb iyo Khatar Xagga Amniga ah ama Carqalad ku noqday , Qabiilkii o Dacayda la baxay oo Ummadda JSL ay Siyaabo Khadan oo Anshaxa ka baxsan loo Caadaystay , Saxaafadda iyo War Baahintana la adeegsanayo !,iyada oo Koox yar ama Shakhsiyaad ay ku kukacaan Khaladaadkaa iyaga o si Khaladan u adeegsanaya Warbaahinta ,Dadkaas oo ay Badidooda iskaga Khaldantahay waxay Xaq u leeyihiiniyo e Shaqadooda ah iyo Waxyaabaha Madaxweynaha iyo Dowladdiisu u Xilsaaranyihiin ee Distoorigaga ah !. JSL Xilka Qarranku waa Amaano Qarranka lo hayo , Qabiilku ma magacaabo, Qabiilku Xil uma Magacaabi karo Qof aan Madax Dhaqameed ahayn , Xilka Qarranka loohayaa waa Ammaano Qarran Min Madaxweynaha illaa Askariga ,Sharciga iyo Distuurka JSL aya Hay’adaha Dowladdu ku wada shaqrryaan iyo Garsoorka oo kala saara marka Khilaaf yimaado .
JSL Qabaailku Xeerar iyo Madax Dhaqameed kala saara o ay ku kalabaxaan ayaynu ku Caano maalay !, yaanla isku khaldin Shakhsiga Xilka Qarranka haya iyo Kuwa Qabaailka Xilka u haya ee Madax Dhaqameedkaaynu u naqaano ,Qabiilku haddii Suldaan ama Caaqilka laga eryo oo Dowladdu erido iyada oon Qabiilkii Shaqo ka erigu ka imaan wa Khalad Qabiilkii lagu gefay , Dadka wixii Xil Qarran hayaa Qabiil maaha !, Qabiilku Xilka uma dhiibinkamana qaadikaro , Ciddii lagu gefo na Garsoor iyo Maxkammado JSL leedahay Xilkuna wa Meerto Qof ku waarayaa Xilka iyo Dhaxal noqon kara inaga Nidaamkeena JSL iyo Distuurka Dimuqraadiga Xilku waa Meerto , haddaan Ummaddu Ummadda JSL aanay ka korin Qabiilka oo Dowladda iyo Madaxweynaha aynu Dooranay aan Xilka ay Ummadda u hayaay lagu Garab gelin Horumar ma gaadhi karno Jiritaanka JSL Carqalad khatar ah aya Qabiilku ku noqon karaa .
Aniga iyo inta ila Fikirka ah e Qurbaha iyo Dalka Gudihiisaba ku Nool waxaanu Ummadda JSL Faraynaa in ay Dowladdu Xilaka Qarrane ay Ummadda uhayso lagu garab galo , o aan laga dhicin Garsoorka ooCiddii Xaq ku eedaysan iyo Ciddii Dulmi ku eedaysan ama Xilkiilaga qaaday , Maxkamadda hala sugo Xilkuna waa Meerto , Midho Nin aan cunnin ma qabtaan .
Danta Guud  JSL Dowladiyo Shacabkaba iyo Horummarka Dalka iyo Dadka ha loo Midoobo Dhamman Ummadda iyo Qabaailka JSL ku Abtirsada ,Bari iyo Galbeedkaba ,Nabadgelyo iyo wadajir aynu wax ku qabsan karnaa oo Horummar lagu gaadhi karaa .

Wa Billaahi Towfiiq ,
Osman Ismail Jama Belel,
Abu Dhabi ,
U . A. E.

COMMENTS
LINKS