Wafti Uu Hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Qaarada Yurub, Iyo Ujeedooyinka Uu la Xidhiidh Safarkoodu!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Qaarada Yurub, Iyo Ujeedooyinka Uu la Xidhiidh Safarkoodu!.
September 29, 2017 - Written by Editor:

Wafti Uu Horkacayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyay  Caasimada Dalka Sweden,

Hargeisa(W,N):- Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Sh Muxumed Oo Ay Wehelinayaan Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland oo uu Ka Mid Yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,Asxaabta Qaranka iyo Saraakiil kale Ayaa Safar gaara ugu Ambabaxay Qaarada Yurub Gaar Ahaan Waqooyiga Yurub, Waxaana Ujeedada Safarkani Tahay Sidii Shacabka Somaliland ee Ku Dhaqan Qaarada Yurub Ay Kulamo Xog-waraysi Ah ula Yeelan Lahaayeen, Waxaana Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Subaxnimadii Hore Ee Saaka Waftiga Uu Hogaaminayo Suldaanku Garoonka Diyaaradaha Caasimada Sweden Ee Stockhom,

SULDAN ISMACIL 2

Waftigani Ayaa kulamo kala duwan La Yeelan Doona  Shacabka Qurbejoogta reer Somaliland ee Ku kala Nool Qaarada Yurub Ayaa ah Kuwo Suldaanka iyo Waftiga la Socdaa ugaga xogwarami Doonaan Shacabka Reer Somaliland ee Ku Maqan Dalka Dibediisa Ulana Socodsiin Lahaayeen Xaalada Dalku Marayo iyo sidii loo horumarin lahaa shaqsi kasta oo reer Somaliland ahina uga shaqayn lahaa Qadiyada Qaranimada Somaliland jiritaankeeda.

SULDAN ISMACIL 4

Waxaana Ujeedada Waftigan Uu Hogaaminayo Suldaan ismaacill Suldaan C/raxmaan uu yahay mid ku Qotoma Sidii Shacabka Reer Somaliland oo Dalka Ka Maqan loo Dareensiin lahaa Xaalada Guud ee dalku Marayo iyo Sidii loosii Xoojin lahaa Kaalintii Horumarineed Ee Muwaadiniinta Qurbejoogta ahi ku Lahaayeen dalka usii Libin laabi lahaayeen.

SULDAN ISMACIL 5

Waftigan Ayaa Socodaal Qaadan Doona Maalmo kooban Kulamo Kala Duwan Kula Yeelan Doona Qurbejoogta Somaliland eek u dhaqan qaarada yurub.

SULDAN ISMACIL 3

SULDAAN ISMACIL 1

Inta La Ogyahay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Muxumed Oo Ka Mida Bahda Dhaqanka reer Somaliland  isl Markaana  ah xubin katirsan golaha Guurtida Ayaa Door Laxaad Leh Kasoo Qaatay Nabadayntii Qarankan Somaliland isagoo suldaanku si gaara ugu suntan Dhexdhexaadinta iyo ka Shaqaynta Colaado kala duwan oo soo dhexmaray qaar kamida beelaha Somaliland, Waxaa sidoo kale suldaanku uu ka shaqeeyey Wakhti laga Joogo billo ka hor inuu Gog-gol isugu keenay Musharaxiinta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani Oo Xafiiltanka Hirdanka Ololaha Doorashadu Sababay in Hadalo Xanaf leh ay isu mariyeen warbaahinta taas oo uu suldaanku u arkay in ay kala fogayn karto jiritaanka iyo wada noolaanshaha shacabka reer Somaliland.

Isku Soo Duuduuboo Suldaanka Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa Xalinta Khilaafaad Faro badan Oo Ay kamid Yihiin Asxaabta Qaranku Doorkii uu ka ciyaaray iyo sidii Uu u Afjaray Mushkiladahaasi.

 

COMMENTS
LINKS