Wafti Ka Socda Dawlada Itoobiyo Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa Iyo Ujeedada Socdaalkooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Dawlada Itoobiyo Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa Iyo Ujeedada Socdaalkooda
September 28, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Warar laga helayo madaxtooyada Somaliland ayaa waxay sheegayaan in shalay galab ay dalka Somaliland soo gaadheen wafti balaadhan oo ka socda dawlada Itoobiya.

ito

Waxaana waftigan ka socda dawlada Itoobiya ee shalay galab dalka soo gaadhay hogaaminaya safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Masar Maxamed Dirir,waxaana sidoo kale ku jira sida xogaha lagu helayo wasiiro ka tirsan xukuumadda dhexe ee Itoobiya.

Waftigan ayaa ujeedada Socdaalkoodu ay salka ku haysaa sida xoguhu nagu soo gaadhayaan sidii ay xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Haawaday ee dalka Itoobiya ee ay qoomiyadda Oromadu ku laysay dadka Somalida ah ee badankoodu u dhashay Somaliland iyo waliba sidii ay ugala hadli lahaayeen arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya,Xoguhu waxa kale oo ay iftiimiyeen in ujeedada waftigan Itoobiya ka yimi ay daaran tahay sidii ay uga wada hadli lahaayeen eedaymo ay dhawaan wasiirka warfaafinta Itoobiya usoo jeediyey Somaliland oo uu ku eedeeyey inay sifo sharci daro ah dalkeeda uga saartay in ka badan 3 kun oo qof oo kasoo jeeda qoomiyadda Oromada.

Waftigan ayaa la filayaa in muddo laba cisho ah ku sugnaadan magaalada Hargeysa,labada dhinacna ay ka wada hadlaan arrimo door ah oo dhexdooda yaala.

COMMENTS
LINKS