Wada Hadalkii U Socday Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo La Filayo Inuu Beri Ka Furmo Magaalada Caynaba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada Hadalkii U Socday Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo La Filayo Inuu Beri Ka Furmo Magaalada Caynaba
September 9, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa waxay sheegayaan in maalinta Berri ah la filayo in magaalada Caynaba uu ka furmo wajigii Shanaad ee wada hadaladii u socday dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

heshiis-somaliland-iyo-khaatumo

Waxaana xoguhu noo sheegeen in guddiyadii labada dhinac ee dawlada Somaliland iyo kooxda khaatumo u qaabilsanaa wada hadaladaasi ay xalay u hoydeen magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar,waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah uu si rasmi ah uu magaalada Caynaba uga furmo wada hadaladaasi.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wada hadaladaasi ayaa dorraad ka amba baxay magaalada Hargeysa iyaga oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Caynaba,sidoo kalena guddigii kooxda Khaatumo u matalayay wada hadaladaasi ayaa iyaguna naloo sheegay inay xalay soo gaadheen Caynaba una hoydeen.

Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii wajigii afaraad ee wada hadaladaasi uu kusoo gabo gaboobmay magaalada Hargeysa isla markaana laga soo saaray 10 qodob oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

COMMENTS
LINKS