URURKA SUXUFIIYINTA SOMALILAND EE SOLJA OO KULAN LA YEESHAY BAHDA GARSOORKA,BOOLISKA IYO WARBAAHINTA. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
URURKA SUXUFIIYINTA SOMALILAND EE SOLJA OO KULAN LA YEESHAY BAHDA GARSOORKA,BOOLISKA IYO WARBAAHINTA.
September 19, 2017 - Written by Wariye:

SOLJA WJNHargeysa(WJN):-Ururka Suxufiyiinta somaliland oo kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, garsoorka iyo booliska kulankaasi oo lagaga hadlayey sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhexaysa sadexda qaybahaasi kala duwan, kaasi oo hore kulan hawleed noocan oo kale ah loogu soo qabtay bahada garsoorka iyo booliska, Kulan hawleedkani oo ay soo agaasimeen Ururka suxufiyiinta Somliland ee SOLJA iyadoo kaashanaysa Hayada Free Press Unlimited.



Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha ururka saxafiyiinta somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi kaasi oo sheegay ahmiyada ay leedahay sidii layskula fahmi lahaa wada shaqaynta warbaahinta, garsoorka iyo booliska iyada oo laga duulayo sidii loo heli lahaa warbaahin ka fog xadhiga iyo tacadiyada lagu hayo iyaguna ay u noqon lahayeen kuwo guta waajibaadkooda shaqo isla markaana haysata nadaxbanaani buuxada.


Dhinaca Kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto kaasi oo ka hadlay muhiimada uu leeyahay kulan hawleedkani kaasi oo xoojinaya wada shaqaynta qaybahaasi kala duwan kaasi oo sheegay in warbaahintu ay xoojiso fahanka xuquuqday ay leedahay iyo mida lagu leeyahay waxa kale oo uu sheegay in bahada garsoorka iyo boolisku fahmaan xuquuqda asaasiga ah ee saxaafadu leedahay kuwaasi oo ay dhigayaan xeerka saxaafada somaliland Xeer 27/2004.


Gebogabadii Waxa halkaasi ka hadlay Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle kaasi oo halkaasi ka sheegay in uu soo dhawaynayo kulankani kor u qaaday wada shaqaynta warbaahinta iyo booliska waxaanu sheegay in la badiyo kulamada noocani ah.

Kulankani oo ah mid kor u qaadaya wada shaqaynta warbaahinta, Garsoorka Iyo booliska waxan uu ahaa mid u doodaya xuquuqda dhinacyada kala duwan ee aan soo sheegnay iyo iyo qaranimada somaliland.


Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS