Taliyaha Guud Ee Ciidamada Turkiga Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Guud Ee Ciidamada Turkiga Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho
September 29, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho.(W,N)-Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degay taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

hulusi-akar-640x360

Waxaa taliyaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade taliyaha ciidamada Soomaaliya Gen Axmed Jimcaale Geedi, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Baker, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaarna magaalada looma ogola in ay maraan gaadiidka iyo dadweynahu.

Socdaalkan taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xadhigga loooga jarayo xarun ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidamada.

Dowladda Turkiga ayaa dhismaha saldhigan waxa ay ku bixisay dhaqaale gaadhaya 50 Million oo Dollar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkii hore.

COMMENTS
LINKS