Shirkii Baarlamaanada Wadamada Ku Jira Urur Goboleedka IGAD Oo La Soo Gabagabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Baarlamaanada Wadamada Ku Jira Urur Goboleedka IGAD Oo La Soo Gabagabeeyay
September 19, 2017 - Written by Reporter:

Khartum(W,N)-Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo dhamaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaasi.

2017919636413915004517825shir-1

Dhinaca Soomaaliya shirkan waxaa ku matalayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad iyo xildhibaanno la socday.

Wax yaabaha shirkan looga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga wadamada IGAD, tahriibka dhalinyarada, cimilada iyo saadaasha hawada waddamada IGAD iyo gudniinka fircooniga ah.

Kulankan oo ahaa kii 9-aad ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Africa

COMMENTS
LINKS