Shirkada Dp-World Oo Qalabka SAVE,tiga Ku Soo Rogtay Qof Kasta Oo Galay Dekada Iyo Buuq Ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Dp-World Oo Qalabka SAVE,tiga Ku Soo Rogtay Qof Kasta Oo Galay Dekada Iyo Buuq Ka Dhashay
September 4, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-Masuuliyiinta shirkada DP WORLD Ayaa Amaro Cusub Kusoo Rogay Dadka Macaamiisha U Ah Dekada Berbera Ee Wax Kala Soo Dega Amaradan Ayaa Waxay Dul Dhigtay Cid Kasta Oo Dani Kaga Xidhanto Dekada Berbera Sida Wakiilada Shirkadha wax Kala Soo Dega Dekada Berbera, Shaqsiyaadka Alaabo Uga Soo Degto Dekada Berbera Mukhalasiinta Alaabada ka Saara Dekada Berbera iyo Raga Loo Yaqaan faracada oo ah Boqolaal Dhalinyaro ah Oo Aroortii Kasoo Xamaasha Dekada Darawalada Babuurta iyo Qof Kasta Oo Shaqsiyan Booqanaya Dekada Berbera, Masuuliyiinta Shirkada Dp World Ayaa Qoraal Aay Ku Dhajiyeen Albaabka Gaydhka laga Galo waxaay Ku Sheegeen In Qof walba Xidho Qalabka SAVE Tiga Dekada oo Ah Jaakeet Cagaara, , Kabo Qadh ah Ama Kuwa Shaqda Loogu talo Galay iyo Koofiyad Adag Oo Ah Tii Shaqad, oo Dhamaantood Ah Calaamada U Gaarka ah Shaqaalaha Dekada Berbera, Awaamiirtan Cusub Ayaa Dhamaan Qalabkan Ka Dhigaya Kuwo Lacag ah oo Total Ahaan Isku Noqonaya 21$.

DED1

 

Hadaba Macaamiiishan kala Duwan ee Ku Xidhan Dekada Berbera Ayaa Diiday In Aay Qalabkaa iibsadaan Shaqdoodana wataan, Waxaanay Ku Doodayaan in Dhamaan shuruudihii Kale ee Looga Baahnaa Aay Buuxiyeen Tanina Aay tahay Tacadi Maadaama Aay Yihiin Muwaadiniin Dalkan U Dhashay, Arinkan Ayaana sababay In wado la Xidho Oo Dhagaxaan Lagu Jaro Intaasi Kadib Waxaa Soo Dhex Galay Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo Dhex Dhexdhexaadin ka Galay Kadib Markii Dekadaba Cidi gli wayday Shaqadiina Socon wayday Dabcana Sida Aay Sheegayan Gancstada Wax Kal Soo Dega Dekadu Aakhirkii Waxay Xidheen Jaakeetka Cagarka ah Oo Kaliya Laakiinse Waxay Xaqiijiyeen In Shirkada Dp World Xidhatay Gaydhka Gudaha Laga Galo Dekada Una Diiday In Qofka Aan wada Xidhnayn Kabihii iyo Koofiyadii iyo Jaakeetkii Aanay Gali Karin.

 

DEK2

 

Mushkiladaha wali Taagan Ee Is faham la,aanta Shirkadan Caalamiga Ah Ee Dp World iyo Shacbiga Qaybihiisa Kala Duwan Ee Ku Xidhan Dekada Berbera Ayaa Ragaadiyay Shaqadii Dekada Berbera Illaa Iminkana Lama Hayo Cid U faro Dhuu Dhuuban Oo Arinkan Dhamaysa Si Sharciyana Umada wax U faham Siisa haday Qalad tahayna Runta U Sheegta Madaxda Shirkada Dp World,

DEK 4

 

Gabagabadiina  Ganacstada wax kala Soo Degta Dekada Berbera waxaay Dhawaan samaysteen Urur Ka Sahaqeeya Isku Xidhka Danahooda iyo isticmalka Dekada Berbera Lakiin Raga Madaxda U Ah Ma Muuqato In Aay Shaqdaa Kasoo Baxeen Sidii Aay U xalin Lahaayeen Carqladaha Ganacsi Ee Soo Noq Noqday

COMMENTS
LINKS