Shan Caruur Oo Walaalo Ah Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Xero Qaxooti Oo Ku Taal Magaalada Kismaayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Caruur Oo Walaalo Ah Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Xero Qaxooti Oo Ku Taal Magaalada Kismaayo
September 17, 2017 - Written by Reporter:

Kismaayo,(W,N)- Shan carruur Ah oo walaalo ah ayaa geeriyootay sedex qof oo kale oo ay ku jirto hooyo da’ ahna dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii uu dab ka kacay xerada barakacayaasha dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku noolaayeen qoysas danyar ah.

kis1

Dabkan oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ay daganaayeen qoyska ay waxyeeladu soo gaadhay, ayadoo ay ku nafwaayeen shan carruur ah oo isugu jiray 3 wiil iyo 2 gabdhood oo walaalo ah oo ay da’doodu u dhaxaysay 10 jir ilaa shan sano jir.

kis2

“Carruurta guriga ayay ku jireen, hooyadood guriga ayay kor uga xidhi jirtay si ay ugu soo shaqeeyso, dhar ayay soo maydhi jirtay, galabtiina way soo laaban jirtay,” ayuu yidhi Axmed C/laahi oo goob jooge ahaa, isagoo intaa ku daray in ay ku war heleen dabka oo xoogeystay, ayna bilaabeen sidii ay ku bakhtiin lahaayeen.

Xilligii uu dabku kacayay ayaa la sheegay in ay guriga ku sugnaayeen carruurta geeriyootay oo dhura, oo ay hooyadood kor albaabka  kaga xidhay.

COMMENTS
LINKS