Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada
September 18, 2017 - Written by Reporter:

Addis.Ababa,(W,N)-Ra’iisal wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadaha sababay dhimashada baahsan ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah.

2017918636412947882882956BN-RX733_ETHIOP_GR_20170202061447

Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dhimashada ka dhalatay qalalaasaha labada dhinac, isaga oo  sheegay in dowladda Itoobiya arintaan siweyn uga xun tahay,

Rabshadahan ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha in labada dhinacba ay kaga dhinteen dad aan waxba galabsan oo aad u badan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in uu amray ciidamada Itoobiya si ay u sugaan amniga.

Waxuu sheegay in dadkii masuulka ka ahaa Qalalaasahan la horkeeni doono sharciga, wuxuuna ku eedeeyay in dalka Itoobiya ay geliyeen marxalad deganaansho la’aan ah.

“Waxaan ka xumahay Qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah, ee u kala safnaa  qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay Qalalaasahaasi, dadkii masuulka ka ahaa falkan oo ay ka mid yihiin raggii warbaahinta u isticmaalayay sida qaldan sharciga ayaa la horkeeni doonaa” ayuu yidhi Hailemariam.

Dhinaca kale kale madaxweynayaasha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ismaamulka Oromada ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay wax aanay hore dhaqan iyo caado toona midna ugu laheyn laba qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay halkaa u direyso ciidamo si loo soo afjaro qalalaasaha loogana fogaado dilal danbe oo dhaca.

COMMENTS
LINKS