Rag Hubeysan Oo Afar ruux Ku Dilay Deegaan Hoostaga Magaalada Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rag Hubeysan Oo Afar ruux Ku Dilay Deegaan Hoostaga Magaalada Laascaanood
September 2, 2017 - Written by Reporter:

Laascaanod(W,N)-Deegaanka Cagaare ee Koonfurta magaalada Laascaanood ayaa dablay hubaysani ku dileen Afar ruux.

Goob jooge ku sugnaa meeshu dilku ka dhacay  ayaa sheegay in dabley hubeysn ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah waxaana la sheegay in Afar ka mid ah dadkaasi dhinteen.

Ragan  dhintay ayaa ka soo jeeda degmad Burtinle ee  gobolka Nugaal, iyadoo ay jirtey colaad mudo dheer degaankaas ka taagnayd oo dhawaan la nabadeeyay xeer adagna loo dhigay kaas oo u muuqda in uu jabay.

laascaanood-740x555

Waxaana la sheegayaa in ay dad badan ka qaxayaan degaankoodii, halka qaar kalena ay ku  jaahwareersan yihiin wixii ay ka yeeli lahaayeen.

Degaankan ayaa ku  jira fiiqa dheer ee  Itoobiya waana dhul daaqsimeed colaado dhawrjeer soo laalaabtayna ay ka dhaceen.

Wararku waxay sheegaayaan in ciidamo Itoobiyaan ah ay yimaadeen, waxaana la eegi doonaa sida xaalku noqdo iyadoo colaad u joog  ay noqotay koonfurta magaalada Laascaanood.

Xigasho, Hiiraan Online

COMMENTS
LINKS