Rabshado Ay Soo AbaabuleenXukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rabshado Ay Soo AbaabuleenXukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac
September 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal soona gaadhaya xafiiska warqbadka Shbakada Wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in rabashado ay soo abaabulen masuuliiyiinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye uu ka dhacay degmada dila ee gobolka awdal waxaanu uu rabshadahaasi ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh .

 

breaking-News3

Rabshadahan ay soo abaabuleen xukuumada iyo xisbiga kulmiye waxaa uu dhexmaray taageerayaal ku kala abtirsada xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE,kadib markii maanta wafti balaadhan oo uu hogaaminayo murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro uu safar ugu baxay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Rabshadahan oo naloo sheegay inuu ka dhashay soo dhawayntii waftiga gudoomiye Cirro ayaa waxa la sheegay in taageerayaal xisbiga KULMIYE ah oo kasoo safray Borama ay isku dayeen inay carqaladeeyaan soo dhawaynta waftigan,waxaa halkaasi ka dhashay iska hor imaad dhex maray labada dhinac.

Markii ay rabshaduhu istaadhmeen ayaa waxa markiiba goobta soo gaadhay ciidamada Booliska degmada Dilla,iyaga oo isku dayay inay kala dareeriyaan taagerayaashan iska hor imaadku dhex maray,waxaana ay ciidanku adeegsadeen rasaas nool oo ay ku kala dareerinayaan dadkan.

Intaasi kadib ayaa rasaas ay fureen ciidamada Boolisku waxa ay ku dhacday wiil dhalinyaro ah oo goobtaasi ku sugnaa kaas oo geeriyooday,waxaana sidoo kale ay dhaawacyo soo gaadheen dadkii rabashaduhu dhex marayeen.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS