|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
September 20, 2017 - Written by Reporter:Muqdisho,(W,N)-Hal qof ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Qof dhintay oo magaciisa lagu soo koobay Abuu-Shiine ayaa la sheegay in gaadhigiisa loogu soo xidhay walxaha qaraxa sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay laba ruux oo rayid ah oo mid ka mid ah uu soo gaadhay dhaawac culus. Qofkan lagu bartilmaameedsaday qaraxa ee gaadhigiisa loogu soo xidhay ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa ku sii xoogeysanayay dilalka iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Qoysas Itoobiyaan Ah Dib Ugu Celisay Dalka Itoobiya Oo Ay Dalbadeen In Lagu ... Daawo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabay Warar Been Abuur oo Qaar Kamida Muc... DAAWO: Shirkada Diyaaradaha Air Arabia Oo Shaacisay Duulimaadyo Ay Markii U Horaysay Ka Bilaabayso S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|