|
|||||
WAJAALE NEWS
Oromada Iyo Soomaalida Qaad Wax ka Weyn Ayaa ka Dhexeeya!
September 16, 2017 - Written by Editor:Colaadda cusub ee dhexmartay qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waa arrin u baahan in aan la fududaysan ee degdeg loo xalliyo. Sababta oo ah labadan qoomiyadood waxa ka dhexeeya taariikh soo jireen ah iyo jaarnimo dhinaca dhulka ah. Marka laga yimaado aragtida odhanaysa Oromadu waxa ay duullaan ku yihiin dhulka Soomaalida oo u baahan in si cilmiyaysan loo darso, haddii ay jirtana u baahan in qorshe laga yeesho sidii looga hortagi lahaa oo aan dagaal ahayn, waxa aan halkan ku soo bandhigayaa aragtidayda oo ka kooban todoban qodob oo aanay Soomaali iyo Oromado u kala maarmayn.
Qodobaas iyo qodobo kale oo badan waxa ay aragtidayda muujinayaan in aa xilligan loo baahanhayn collaad horleh oo ka bilaabanta gobolka. Sababta oo ah khilaaf iyo dagaal ka dhex qarxa qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waxa uu keeni karaa Isir nacayb, xasuuq iyo barkokac baaxad leh. Waxa tusaale inoogu filan shaqaaqada ka dhacday magaalada Hawaday ee lagu xasuuqay Soomaalida aan waxba galafsan waxa ay sababtay in ay ku barokacaan 30,000 oo qof oo u badan Oromo, kuwaas oo xerooyin looga sameeyay garoonka kubadda cagta ee magaalada Harar. Gobobadii dawladda Itoobiya oo kaashanaysaa maamulada dawlad goboleedyada, waxgaradka iyo odoyaasha labada qoomiyadood waxa la gudboon in ay deg-deg u xalliyaan khilaafkaas. Mustafe Adam kibaaro@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|