Murashixiinta Madaxwaynaha Iyo kuxigeen Ee Xisbiga kulmiye Oo Maalinta Bari kusoo Beegan Magaalada Gabiley Iyo Su”aalaha Bulshadu La Sugayaan Ee Horyaala!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashixiinta Madaxwaynaha Iyo kuxigeen Ee Xisbiga kulmiye Oo Maalinta Bari kusoo Beegan Magaalada Gabiley Iyo Su”aalaha Bulshadu La Sugayaan Ee Horyaala!!.
September 4, 2017 - Written by Editor:

Su”aalaha Bulshada G/Gabiley La Sugayeen Ee Hor Yaala Murashaxa  Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi Iyo Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng C/raxmaan Saylici.

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Ma Noo Sheegi Kartaa Deegaanka Aad U Aqoonsan Tahay  Xaduudka Maamul Ee G/Gabiley Xaga Waqooyi Galbeed Kala Wadaago G/Awdal ?

Madaxwayne Ku Xigeen Ma Noo Sheegi Kartaa Deegaanka Aad U Aqoonsan Tahay  Xaduudka Maamul  Ee G/Gabiley Xaga Waqooyi Galbeed Kala Wadaago G/Awdal ?

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Maanta Gobolka Gabiley Wuu Sagaal Jirsaday  Goormaa La Horkeenayaa Golaha Wakiilada ? Maka Hawl gashay Sidii Golaha Wakiilada loo hor gayn lahaa, loogana Ansixin lahaa Golaha Wakiilada  Gobolnimada Gabiley ? Hadaad uga hawl gashay ma haysaa CADAYMO Cad oo aan ku qanci karo ?

  Su”aalaha Xuquuqda Muwaadiniinta Ee Murashax Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye La Waydiin Doono

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Soo dhawaynta Bulshada Gobolka Gabiley kugu qaabilaan in leeg ma ugu Hawl gashay Sidii loo soo dayn lahaa Wiil Dhalinyaro ah oo Dalka Jabuuti ku xidhan,magaciisuna yahay C/laahi Sh C/raxmaan ?

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Markaad Eegto Qodobka 35 aad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land, Isu celinta Eedaysanayaasha ama Danbiilayaasha iyo magan galinta Siyaasadeed Faqradiisa Labaad .

2:  Ma Banaana in Muwaadinka Soomaali land loo dhiibo Dawladaha Shisheeye.

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Ma Qiraysaa In Muwaadinka Si Sharci Darro Ah Xukuumada Kulmiye ugu dhiibtay Dalka Jabuuti  ?

Gudoomiye/Murashax Madaxwayne Haday jirto in aad ugu hawl gashay Muwaadinkaa oo aan mooganahay ma haysaa cadaymo Cad oo aan ku Qanci karo?

gabiley

 Su”aalahaa iyo kuwo la mida ayay Bulshada G/Gabiley u balameen  in Sideed iyo Afartanka Saacadood ee soo socda Waayeel iyo Dhalinyaro la waydiiyo Murashaxiinta Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng C/raxmaan Saylici . 

Waxaa Maalmahan u dambeeyay guud ahaan Bulshada G/Gabiley si wayn ugu diyaar garoobayeen,sidii Waftiga Kulmiye Su”aalo looga waydiin lahaa,Xuduudka Maamul ee uu la wadaago G/Awdal, iyadoo la waydiin doono Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka S/land ahna Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng C/raxmaan Saylici Deegaanka ay u Aqoonsan yihiin in uu dhaco Xuduudka Maamul ee xaga Waqooyi Galbeed kala wadaago G/Gabiley iyo G/Awdal .   

 

 Iyadoo Dadka arimaha Maamulka iyo Siyaasada u kuur gala ay Saadaalinayaan in Su”aalaha ugu badan ee hor-taala in ay noqon doonaan Arimaha Xuduudka  Maamul ee xaga Waqooyi Galbeed kala wadaago G/Gabiley iyo G/Awdal.

  Iyadoo Sannadahan u dambeeyay Damaca Dhull-balaadhsiga Gobolka Awdal ku sheeganayo qaybo ka mida Dhulka G/Gabiley uu Maalinba Maalinta ka dambaysa si Xawli ah sare ugu kacayay.

 Waxaana Maalmahan u dambeeyay Dadwaynaha G/Gabiley Goobaha ay ku kulmaan si wayn ugu gorfaynayeen,sidii Waftiga Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka S/land ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Eng C/raxmaan Saylici, Su”aalaha ugu badan looga waydiin lahaa,Deegaanka ay u Aqoonsan yihiin Xuduuda Maamul ee Waqooyi Galbeed G/gabiley kala wadaago G/Awdal .     

 Iyadoo Muddo Lix iyo Labaatan Sanno ah oo S/land jirtay, waxaa Maalinba maalinta ka dambaysa si Xawli ah sare ugu kacaya Damaca Dhul-balaadhsiga Gobolka Awdal ku sheeganayso qaybo ka mid ah Dhulka Gobolka Gabiley,waxaase Xusid mudan in Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Muj Muuse Biixi Cabdi ee Xukuumadii Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal uu kaga soo raray Deegaanka Cali Xaydh Sanadkii 1995, waqtigaas waxaa Cali Xaydh Haydh Tuulo ka ahaa Deegaanka Cali Jaamac X Raage,halka Wakiilka Dawlada hoose ee Dagmada Gabiley u jooga Tuulada Cali Xaydh ahaa Cabdi Xasan Seed ( Cabdi Madoobe ) Alle ha u Naxariistee,halka Wakiil ku Xigeenka Dawlada hoose ee Dagmada Gabiley u jooga Tuulada Cali Xaydh ahaa C/raxmaan Muxumad Mire, halka Qasnajiga Dawlada hoose ee Dagmada Gabiley ka ahaa C/laahi Maxamad Cumar (Magan).

 Waxaynu ka war sugidoonaan gabiley wixii ay kala yeelaa madaxda xisbi xaakimka kulmiye oo doonaya in marlabaad loo doorta talada dalka todobo sanadood Ka dib

 WAJAALENEWS DESK

                              

COMMENTS
LINKS