Murashaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Qaarkood Aanay Buuxin Shuruudihii Looga Baahnaa Loona Gudbin Gudida Koomiishanka Iyo Wakhtiga Uu Sharcigu Cayimay Oo Saacado Kooban Ka Hadheen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Oo Qaarkood Aanay Buuxin Shuruudihii Looga Baahnaa Loona Gudbin Gudida Koomiishanka Iyo Wakhtiga Uu Sharcigu Cayimay Oo Saacado Kooban Ka Hadheen
September 28, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in murrashaxiinta saddexda xisbi qaarkood aanay wali buuxin shuruudihii looga baahnaa,iyaga oo aan qaarkoodna loo gudbin guddiga komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland si loo ansixiyo inay ka qayb galaan doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa lana qorsheeyey inay dalka ka dhacdo 13 November 2017.

ucid-wadani-and-kulmiye-flags

Saddexda xisbi Qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADDANI ayaa xogahani ay sheegeen in laba kamid ah ay murrashaxiinta uga qayb galaya doorashada madaxtooyada Somaliland u gudbiyeen guddiga komishanka Qaranka halka mid kamid ah 3-daa xisbina aanu wali gudbin murrashaxiintiisa uga qayb galaya doorashadaasi fooda inagu soo haysa.

Waxaana sida naloo sheegay saacado kooban ay ka hadhsan tahay wakhtiga sharcigu u cayimay inay saddexda xisbi Qaran kusoo gudbiyaan murrashaxiinta uga qayb galay doorashada madaxtooyada,taas oo ku beegan maalinka Jimcaha oo bari ah bishuna ay tahay 29.9.2017,waxaana aan wali gudbin murrashaxiinta mid kamid ah saddexda Xisbi Qaran,kaas oo ay xoguhu farta ku fiiqeen inuu yahay xisbiga mucaaraddka ah ee UCID oo dhawaan isagu shaaciyay murrashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID uga qayb galay doorashada Madaxtooyada loona cumaaday Axmed Cabdi Muuse Abyan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolada bariga Somaliland gaar ahaana gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kalena waxa la filayaa in maalinka Sabtida ay guddiga Komishanka Qaranka Somaliland ay kulan la qaataan murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee WADDANI,UCID Iyo KULMIYE,isla markaana ay shaaciyaan murrashaxiinta usoo gudbiyay codsiyadooda ah inay ka qayb galayaan doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa.

Gabagabadiina doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa qabsoomideeda waxa ka hadhsan muddo dhan 46 maalmood oo ah Bil 15 cisho,waxaana lagu wadaa in ololaha saddexda xisbi Qaran ay bilaabmaan horaanta Bisha 10-Aad ee fooda inagu soo haysa,bilowgeedana ay ka hadhsan tahay muddo laba caano maal ah.

COMMENTS
LINKS