Mid Kamid Ah Tiirarkii Dhalinyarada Berbera Cabdikhaaliq Awal Bari Oo Ku Dhawaaqey In Uu Ku Biiray Xisbiga Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid Kamid Ah Tiirarkii Dhalinyarada Berbera Cabdikhaaliq Awal Bari Oo Ku Dhawaaqey In Uu Ku Biiray Xisbiga Wadani
September 5, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-Cabdikhaaliq Cabdiraxmaan Maxamed(Awal-bari),oo ahaa Agaasimihii hore ee Maamulka Lacagta D/hoose ee Degmada Berbera ayaa ku dhawaaqey in uu go.aansadey in uu ku biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kadib markii uu aragtidiisa kaga rajo beelay Xisbi Xaakimka Kulmiye oo uu hore iga mid ahaa Taageerayaashiis Rukunada u ah Gobolka Saaxil.

 

21361032_1623337371062959_363510430_n

Inkastoo laba Maalmood ee U Dambeeyay lagu baahinayey bar kulanka Bulshada ee Facebook hadana waxa uu go.aankiisan ku Biirista Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani si rasmi ah Warbaahinta maanta isagoo cadeeyay in uu hiil iyo hooba isla barbar taagi Doono Xisbigaasi.

Isagoo geesta kalena xusey in markii hore ka mid ahaa Xubnihii Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen ee ugu adkaa Gobolka Saaxil New Ucid islamarkaana ku biirey Kulmiye haseyeeshee ku biiristaasi ku khasaarey wakhti Xaadirkana ka istaaqfuruleystey ku biiristaa ay lawadaageen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbi Xaakimka Kulmiye. Cabdikhaalaq Awal Bari ayaa kamid ah tiirarka ugu mayalka adag dhalinyarada Magaalada Berbera iyo guud ahaanba Gobolka Saaxil.

 

COMMENTS
LINKS