|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Ugu Saraysa Kenya Oo Go’aamisay In Lagu Noqdo Doorashada Madaxweynaha Kenya
September 1, 2017 - Written by Reporter:Nairobi,(W,N)-Maxkamadda ugu saraysa dalka Kenaya ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Kenya ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta. Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya aanu si hufan u qabanin hannaankii doorashada. Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada. Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go’aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo. Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go’aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xanuusanayay maalmihii u dambeeyay.
Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada. Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso. Related posts:Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Jeelka Magaalada Boorama Oo La Iibinayo Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumad... "Madaxweynuhu Raali Gelin Haka Bixiyo Hadalkii Uu Bulshada Ku Kala Qaybinayey" Siyaasi Geel Jire. Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Taageerayaal Ku Soo Biiray Kulmiye Ku Sifeeyay Reer Hebel Iyo Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|