|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Ugu Saraysa Kenya Oo Qaadatay Go’aan Aan hore Uga Dhicin Afrika
September 1, 2017 - Written by Reporter:Nairobi,(W,N)-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxweynenimada. Gudoomiyaha maxkamadda sare David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah. Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod. Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hanaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada. Tafatiraha laanta Afka Sawaaxiliga ee BBC, Caroline Karobia oo Nairobi ku sugan ayaa sheegtay in Kenya ay taariikh cusub hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne. Taariikhda dhaw ee dunida, saddex dal oo kale oo ayay maxkamadahoodu waxaba kama jiraan ka soo qaadeen doorasho madaxweyne, kuwaas oo kala ah:
Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya. Madaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa sheegay go’aanka maxkamadda ka dib shir jaraa’id qabtay isaga oo yidhi “Xukunkan waa mid noociisu nagu wada cusub yahay, wuxuuna guul weyn u yahay dadka reer Kenya oo dhan, Annagu wax kalsooni ah kuma qabno guddiga doorashooyinka sida uu haatan u dhisan yahay, run ahaantiina intooda badan waxay ahayd inayba xabsiyada ku jiraan. Sidanna kuma daynayno dadkii dambiyadaas waaweyn ka galay dadka reer Kenya”. Madaxaweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyay dadka Kenya ayaa sheegay “in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda balse uusan ku qanacsanayn,” Madaxweynaha oo ku khudbad ku jeediyay Af Ingiriis iyo Af Sawaaxili “ayaa dadka Kenyan-ka ah ugu baaqay in ay nabadda ku dadaalaan oo qofba qofka ku xiga uu gacanta qabsado,” Wuxuu intaas ku daray “in dadka dariska ah ay daris sii ahaan doonaan, siyaasigay doonaanba ha taageersnaadaan ee”, wuxuuna aad ugu celceliyay in nabadda lagu dadaalo. Dhanka kalana Axmed-Naasir Cabdullaahi oo ah qareenkii matalayay madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay “in go’anka maxkamaddu uu yahay mid siyaasadaysan”. Sidaadii loogu dhawaaqay go’aanka maxkamadda, taageereyaasha mucaaradka ayaa damaashaad ka billaabay bannaanka maxkamadda, iyo deegaannada kale ee ay ku xoog badan yihiin.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|