Maxay Salka Ku Haysaa Colaadda Soomaalida Iyo Oromada? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Salka Ku Haysaa Colaadda Soomaalida Iyo Oromada?
September 16, 2017 - Written by Reporter:

Haraysa(W,N)-Kumannaan qof ayaa ku barakacay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya. Weriyaha BBC Kalkidan Yibeltal ayaa maqaalkan ku eegaya waxa ay colaadda salka ku hayso iyo in la joojin karo.

Adisu Arega oo u hadlay dowlad deegaanka Oromiya ayaa BBC sheegay in 18 qof oo 12 ka mid ah ay Soomaali yihiin ay ku dhinteen colaadda hadda taagan.

Haseyeeshee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku doodaysa in 30 Soomaali ah lagu dilay magalada Hawaday ee gobolka Oromiya.

 

_97829991_674a85fb-0e2c-4071-8453-1118ed5a571b

Dadka colaadda ka barakacay oo lagu qiyaasay 30 kun ayaa xeryo kumeelgaadh ah looga sameeyay garoon ku yaal magaalada Harar iyo saldhigyo ay boolisku leeyahay.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay u gurmadaan dadka barakacay.

Maxay salka ku haysaa colaadda?

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin gaadhaysa 1,400 km.

Labadan qowmiyadood ayaa inta badan ku dagaallama dhulka iyo kheyraadkiisa, gaar ahaan dhulka ay xoolohu daaqaan.

 

_97831204_9fde6829-d82d-46cf-801b-8935d67e5186

Sanadkii 2004, afti laga qaaday 420 tuulo ama waxa Itoobiya looga yaqaan qabele oo lagu muransanaa, ayaa boqolkiiba 80 loo go’aamiyay in ay ka tirsan yihiin gobolka Oromiya.

Arintaasi ayaa dhalisay in kumannaan Soomaali ah ay ka barakacaan tuulooyinkaasi, ayagoo ka cabsanaya inay dhibaato uga timaado Oromada.

Go’aankaasi ayaan weli la hirgelin, waxaana la sheegayaa inay qeyb ka tahay colaadda hadda soo cusboonaatay.

Bilihii February iyo March ee sanadkan boqolaal qof oo Oromo ah ayaa la sheegay in lagu dilay magaalada Negele, waxaana maamulka Oromiya uu falkaasi ku eedeeyay ciidamada Liyu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Haseyeeshee maamulka Jigjiga ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxaana uu ku tilmaamay maamulka Oromiya mid xidhiidh la leh jabhadda Oromo Liberation Front ee ay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay argagixiso.


Ma ka dari doontaa colaadda?

Maadama labada qowmiyadood ay wadaagaan soohdin dheer, isla markaana leeyihiin xoolo dhaqato reer guuraa ah, waxaa adag inay kala maarmaan.

Sidoo kale colaadda u dhexeysa labada qowmiyadood ayaa si fudud ugu baahi karta deegaannada kale iyo weliba deriska Itoobiya, maadaama ay dhinacyadaana wada degaan.

Colaadda hadda taagan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka billaabatay laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka kale, dad ka barakacy colaaddan ayaa lagu soo warramayaa inay gaadheen magaalada Moyale ee dhanka Kenya, halkaasoo ay marar badan ku dagaallameen Soomaali iyo Oromo.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Negeri Lencho, ayaa BBC u sheegay in milateriga iyo booliska federaalka la geeyay goobaha ay colaaddu ka taagan tahay, si ay uga hortagaan iska horimaadyo dheeraad ah.

Balse ma cadda in taasi oo keliya looga hortagi karo in ay sii faafto colaadda.

COMMENTS
LINKS