|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Taqaan Masuuliyiintii Soo Maamulay Xarunta Komishanka Doorashooyinka, Kuwii Guulaystay Iyo Kuwii Guul-Daraystay ? Qormadii: 3 Aad
September 3, 2017 - Written by Editor:Wax Ka Baro Sooyaalka Todobadii Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ee Ku Guul-Daraystay In Ay Dalka S/land Doorasho Ka Qabtaan!! Gudaha Ka Akhri Go”aankii Xisbiga Kulmiye Kalsoonida Kala Noqday Komishanka Doorashooyinka 2/8/2009 Waxaa Taariikhda ku xusan in Maalin ku beegan 26/9/2007 Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinku u doorteen Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed, halka Gudoomiye Ku xigeenka u Doorteen Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Mar kale waxay Taariikhdu ka Marag kacaysaa in Labadii Xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka u soo xuleen ay hormood ka noqdeen in ay wada shaqayn kari waayeen Xubnihii Komishanka Doorashooyinku, kuna Guul-daraystaan in ay Dalka S/land Doorasho ka qabtaan, iyadoo Xubintii Komishanka Doorashooyinka ee u soo Xulay Gudoomiyahii Xisbiga Mucaaradkee Kulmiye Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo, Xirsi Cali X Xasan uu noqday Masuulkii Koowaad ee Caqabada ku noqday wada shaqaynta Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka,isagoo iska casiley Xilkii iyo Xubinimadii Komishanka Doorashooyinka Maalin ku beegan 4/5/2008,intaa kumuu joogin, waxuuna Weedho Turxaan badan warbaahinta u mariyay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin,halka Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Axmad Siiraanyo mar Labaad u soo magacaabay Xubintii Xisbiga Kulmiye Cali Biikalo oo Maanta ka mida Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo . Mar kale Xibintii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid u soo xulay Komishanka Doorashooyinka Md Eng. Axmed Maxamed Xaaji Alle ha u Naxariistee, waxuu Shir-Jaraaid ku qabtay Hargaysa,isagoo ku eedeeyay Gudoonka Komishanka Doorashooyinka Arimo Musuq-maasuq iyo ku Takri fall ay ku kaceen oo Kharashaadka Komishanka Doorashooyinka, taasoo Shaki galisay hanaanka wada shaqaynta Todobada Xubnood ee Komishanka,iyadoo Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Xubintii Xisbiga Ucid u Gudbiyay Golaha Wakiilada si ay Codka Kalsoonida ugu qaadeen,waxaanay Golaha Wakiiladu Cod aqlabiyad ah xillkii kaga qaadeen Xubintii Xisbiga Ucid. Mar kale Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxuu Xubintii komishanka Doorashooyinka dib ugu soo magacaabay Mahdi Maxamad Guuleed ( Khadar) Md Khadar : inkasta uu Sannado badan ahaa la taliyaha xaga Sharciga ee Komishanka Doorashooyinka S/land, maanta waxuu u digo rogtay Dalka Soomaaliya, waxaanu hayaa Xillka Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed ( Khadar).inkasta oo Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee Maantu ogaadeen in La Taliyihii Xaga Sharciga ee Komishanka Doorashooyinku uu dalka ka maqan yahay,isla-markaana uu Xillka Raysal Wasaare ku xigeenka ka qabtay Xukuumada Soomaaliya. , Xisbiga Kulmiye Oo Kalsoonida Kala Noqday Todobadii Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka 2/8/2009 Waxaa xusid mudan in Xisbiga Kulmiye Soo Saaray War Saxaafadeed Uu Kalsoonidii Kala Noqday Komishinka Doorashooyinka Labaad Ee Dalka S/land Yeesho. Iyadoo Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biix Cabdi, gacanta ka saaray Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka, Mr Jamac Sweden. Qoraalkaas oo Xisbiga Kulmiye ku cadeeyay in dhamaanba wada shaqayntii Xisbiga Kulmiye la sameen jiray Komishanka doorashooyinka uu joojiyay, laga bilaabo maanta oo ah bisha August 2 2009. Talaabada uu Xisbigu qaaday ayuu ku sababeeyay maadama Komishanku Doorshooyinku lumiyeen kalsoonidii iyo dhex-dhexaadnimadii ay Sadexda Xisbi ee tartamaya dhexda u ahaayeen. Akhri Warqada Xisbiga Kulmiye Kalsoonida Kala Noqday Komishanka Doorashooyinka 2/8/2009 KU: GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA =HARGEYSA= OG:SHIR-GUDDOONKA GOLAHA GUURTIDA =HARGEYSA= OG:SHIR_GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA =HARGEYSA= OG:XAFIISKA DEEQ-BIXIYEYAASHA =HARGEYSA= UJEEDDO: GO’AAN XISBI. Shir uu manta yeeshay Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aan ku gaadhay go’aamada hoos ku qoran: 1:In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .
3: Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in Komishinku uu ka baxay dhexdhexaadnimadii, oo uu la saftay Xisbiga talada haya ee UDUB. 4: Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aamiyey in uu hakiyo wada shaqeyntii uu la lahaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka, ilaa inta uu Komishinka Qaranku noqonayo mid dhexdhexaad ah oo soo celin kara kalsoonidii Xisbiga. WA BILAAHI TAWFIIQ MD: MUUSE BIIXI CABDI K/S.. GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE AHNA GUD.KU-XIGEENKA 1aad. Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle La Soco Qormada Afraad Oo Aan Ku Falanqayn Doono Dhaliilaha Ka Muuqda Go”aanka Uu Kalsoonida Kala Noqday Xisbiga Kulmiye Komishanka Doorashooyinka 2009 Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Xisbiga Ee Gobolka Saaxil Iyo Sobobta! Madaxwaynihii Hore Ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale “Xaaf” Oo Shaaciyay In Uu Usharaxan Y... “Tukaraq Nabadgelyadeedu Waa Mar Ciidanka Qaranku Soo Taabto Xadka Somaliland,Oo Garoowe Ay Ka Dhacd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|