|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababa Ubadka Iskuulada Taga Ee Waxba Ka Baran?
September 27, 2017 - Written by Reporter:Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in caruurta dunida 10 kii caruur ah ee iskuul dhigtaa aanay gaadhin heerka ugu hooseeya ee waxbarashada.
Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay arintan mid “laga naxo” oo abuuraysa “dhibaato waxbarasho”. Gargaarka caalamiga ah ee dhinaca waxbarashadu wuxu inta badan xoogga saaraa dugsi la’aanta, gaar ahaan dalalka saboolka ah ee Saxaraha Afrika ka hooseeya ama meelaha colaaduhu ka jiraan. Laakiin cilmi baadhistan cusub ee Mac-hadka Tirakoobka Unesco sameeyay waxay ka digaysaa tayo darrida ka jirta dugsiyada laftooda, waxaanay sheegtay in, in ka badan 600 oo milyan oo caruur da’doodu tahay tii iskuulka in aanay lahayn heerka ugu hooseeya ee xirfadda barashada xisaabta iyo akhriska. Farqi Weyn Dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, ayaa cilmi baadhistu sheegaysaa in boqolkiiba 88 caruurtu qaangaadhaan iyaga oon lahayn heerka ugu hooseeya ee xirfadda akhriska. Badhtamaha iyo koonfurta Aasiyana boqolkiiba 81 ayaan gaadhi doonin heer ku filan oo ay wax ku qori karaan kuna akhriyi karaan. Warbixintu waxay ka digaysaa in horumar bulsho iyo mid dhaqaale ba ay wiiqmi doonaan hadii aan la helin bulsho wax akhriska iyo xisaabtaba ku fiican. Woqooyiga Ameerika iyo Yurub, boqolkiiba 14 keliya oo ka mid ah ayaa heerkaa hoose waxbarashada kaga taga. Laakiin cilmi baadhistan Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in boqolkiiba 10 ka mid ah caruurta dunida ee da’da iskuulka gaadhay ay ku noolyihiin gobolladaa horumary ee hodanka ah. “Caruurtaa badankoodu ma qarsoona meelna kagama xidhna dawladahooda iyo bulshada oo waxaabay dhex fadhiyaan fasallada” ayay tidhi Silvia Montoya oo ah agaasimaha Mac-hadka Tirakoobka ee Unesco. Waxaanay sheegtay warbixintani waa “hadal digniin ah oo ku baaqay in si fiican loo maalgeliyo tayada waxbarashada” Dhibaatadan caruurtu “iskuulka joogaan iyagoon waxba baranayn” ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixin uu Bankiga Aduunku soo saaray todobaadkan. Waxaanay warbixintaasi sheegtay in malaayiin qof oo da’yar ah oo ku nool dalalka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa uu dhexdhexaadka yahay, aanay helin waxbarasho haboon taasina ay ka dhigantahay in ay ku jiri doonaan uun shaqooyin dakhligoodu hooseeyo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|