Maxaa ka Jira In Nashqada Pyramid-ka Laga Maan Guuriyay Buuraha Naaso-hablood Ee Hargeysa Xiligii Faraacinadii Cadaymo Iyo Taariikh La Helay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa ka Jira In Nashqada Pyramid-ka Laga Maan Guuriyay Buuraha Naaso-hablood Ee Hargeysa Xiligii Faraacinadii Cadaymo Iyo Taariikh La Helay
September 2, 2017 - Written by Reporter:

In mudo dheer ah waxa la hadal hayn jiray in xidhiidh qoto dheeri uu ka dhaxeeyay Faraaciinadii iyo dhulka maanta ah Somaliland oo loo yaqaanay dhulkii Ilaahayada, waxna dadka qaarkood ay ku doodaan in Faraacinadu ay ka tageen dhulka maanta ah Somaliland ee sidoo kale loo aqoon jiray xiligaasi dhulkii uduga.

Hadaba waxa aqoonyahano reer Somaliland ahi ku doodayaan in dhamaan agabyada ay isticmaali jireen Faraaciinidii deganaa dalka Masar laga qaadi jiray dalka hada ah Somaliland waxana ay xitaa ku doodayaan in buuraha samayska ah ee loo yaqaano Pyramid-ka nashaqdooda laga qaaday buuraha Naaso Hablood Ee ku yaala duleedka waqooyi bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxna sidoo kale soo baxaysa taariikh raad raac leh oo muujinaysa in xidhiidhkaasi uu jiray, iyada oo dhawaan goobo aan ka fogayn buuraha naasa hablood laga helay taariikho cajiiba siiba asnaam la mid ah kuwa hada yaala dalka Masar oo u eeg in laga dhoofin jiray xaga Somaliland, sida kuwa hoos yaala, waxa kale oo jira goobo badan oo taariikhi ah oo dahsoon oo ay ka buuxaan agabkani oo kala nooc nooc ahi oo aan ilaa hada la soo bandhigin.

 

NaasoHabloodEygpt-300x215 NaasoHabloodHargeysa

 

xaaxi2

xaaxi1

xaaxi3

Sawirkani ugu danbeeyaa waa Yaxaas dhana waa ka qof waxna ay ku tusaysaa in xiliyadaasi la caabudi jiray Yaxaaska, xiliyadaasi oo dalka Masar gaar ahaan Faraacinaduna ay caabudi jireen yaxaasyada.

La soco taariikho kale oo ka fac weyn tan Faraaciinada oo aanu iyagana soo bandhigi doono dhawaan oo laga helay Somaliland gaar ahaan bariga  caasimada Hargeysa

 

COMMENTS
LINKS