Madaxweyne Kuxigeenka Oo Ay Fashilaad Ku Noqotey In Aanu Madaarka Kaga Hortagin Madaxweynihii Xilka Kaga Sii Tagey Ee Xaalada Caafimaad Dalka Kaga Maqnaa!!! FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Kuxigeenka Oo Ay Fashilaad Ku Noqotey In Aanu Madaarka Kaga Hortagin Madaxweynihii Xilka Kaga Sii Tagey Ee Xaalada Caafimaad Dalka Kaga Maqnaa!!! FAALO
September 5, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa Taliyayaasha Ciidamadu kusoo dhaweeyeen Madaarka Caasimada Hargeysa kadib markii uu Shaley Kasoo Laabtey Xaalad Caafimaad oo Todobaadyadii ugu dambeeyay dalka kaga maqnaa.

Talaabadan oo fashilaad Qaran ku ah Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Ay labadaba Waajib Ku aheyd in ay Kusoo dhaweeyaan Gagida Diyaaradaha Madaxweynaha Xaalada Caafimaad ugu maqnaa dalka Dibadiisa islamarkaana ay Waajib qaran iyo mid dastuuri ahba qasab ku aheyd in ay dhawraan sunaha iyo hanaanka dawladeed waxey talaabadani daaha ka feyday in aan habayaraatee masuuliyiinta Qaranku isku haynin tixgalintii iyo is ogaanshihii nidaamka qaranimo waajibiyay in ixtiraam gaar ah iyo qadarin loo muujiyo Madaxweynaha dastuuriga ah

Iyadoo geesta kalena daaha ka feydeysa in Ololihii ay Maalintii Axadii kaga baxeen Caasimada islamarkaana,ugu amababaxeen dhinaca Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal uu ahaa mid tuugo ah oo aaney ogolaansho uga qaadan Komishanka Doorashooyinka heer Qaran.iyo Waliba Madaxweynaha iyo Xubnaha Socdaalkiisa ku Wehelinayey ee Golaha Xukuumadda Katirsani inkastoo Maalmihii u dambeeyay inta ugu badan ee Shacbiga Somaliland siweyn u hadalhayeen in ay Damacsan yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Xiligan isku ah Murashaxa iyo Kuxigeenka Jagada Madaxweyne Qorshe ay Guud ahaan Xadhiga ugu jarayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sidaa Daraadeedna ugaga sii Faa,ideysanayaan Fursadaha Noocan oo Kale ah awooda Talada Dalka iyo Waliba In aan havayaraatee Waxba la iskaga sii tirinin Dhawrista Shuruucda iyo Qawaaniinta Dastuurka maadaama uu gabaabsi yahey mudo Xileedkii Golaha Xukuumadani si aaney Wasiirada Awooda badani mar kale u helin jàanis mudo kordhin ah, qorshahaas oo tashigiisu ku aadanaa in guud ahaanba Xidhiidhka loo jaro Awoodaha Madaxweynaha ee Dastuurku ugu Xalaaleeyay Qodobka Sagaashanaad ee Dastuuriku waxaaney Xogahan go.aanada labada Murashax ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Tibaaxeen in ay isku Waafaqeen in ay gacan Saar lasii Sameeyaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah Taliyayaasha Ciidamadda iyo Xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Xukuumada ee Daacada u ah.

Sikasta oo ay tahey mudooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayey in Nidaamka iyo hanaanka Qaranimo ee Taladu dalku faraha kasii baxeysay kadib markii ay Warbaahinta Si badheedh ah iskaga weerareen Wasiiro iyo Masuuliyiin katirsan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taas, oo Qeyb ka ah khilaafka ay intii ugu badneyd ee Xukuumadani jirtey noqotey mid Taariikhda u gasha haseyeeshee,ay ugu sii darneyd dhacdadii u dambeysay ee Diyaaradii ay isku weerareen Wasiiradda Duulista Hawada iyo Wasaarada Hawlaha Guud oo Xinjirifajaaskeedu meel adag gaadhey.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS