Madaxwayaha Somaliland Oo Magacaabay Maareeyaha Hay,ada Xidhiidhinta Raashinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayaha Somaliland Oo Magacaabay Maareeyaha Hay,ada Xidhiidhinta Raashinka
September 19, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Siilaanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa

Markuu Ku Qancay: In uu hanan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSl

 

COMMENTS
LINKS