Lacagtii Shilinka Somaliland Oo Sii Dabar Go,asa Iyo Shirkadaha Laydhka Iyo Biyaha Ee Boorama Oo Joojiyay Qaadashada Shilinka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lacagtii Shilinka Somaliland Oo Sii Dabar Go,asa Iyo Shirkadaha Laydhka Iyo Biyaha Ee Boorama Oo Joojiyay Qaadashada Shilinka Somaliland
September 16, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)shirkadaha Laydhka iyo biyaha ee magaalada Boorama ayaa si rasmiya u soo bandhigay inay diidan yihiin qaadashada lacagta somaliland ee qiimaheedu yahay shanta boqol ee shilin(500).

Masuuliyiinta shirkadahan ayaa sheegay inaanay qaadanayn lacag ka yar kunka shilin, waxaanay sabab uga dhigeen hoos u dhaca baahsan ee ku yimid qiimaha lacagta somaliland, sidoo kalana waxay sheegeen in sariflayaasha magaalada Hargeysa ka diideen inay Doolar ugu badalaan lacagta shanta boqol ah.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Awdal Xasan Gacma Gaab ayaa go’aanka shirkadaha kaga jawaabay inuu xidho masuuliyiinta shirkadahaasi, kuwaas oo haatan ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Boorama, waxaanu warbaahinta u sheegay in masuuliyiinta
shirkadahaas loo xidhay ka dib markii ay diideen inay qaataan lacagta somaliland.

Dhinaca kale ku simaha badhasaabka gobolka Awdal iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadaha Laydhka iyo biyaha ee magaalada Boorama ayaa haatan shir albaabadu u xidhan yihiin ku leh magaalada Boorama, kaas oo laga war sugaya natiijada ka soo baxda.

COMMENTS
LINKS