Kooxaha Real Madrid, Chelsea, Barcelona, Liverpool, Man United Oo UEFA U Gudbiyay Liiska Ciyaartoydooda Champions Leaque-ga Uga Qayb Galaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxaha Real Madrid, Chelsea, Barcelona, Liverpool, Man United Oo UEFA U Gudbiyay Liiska Ciyaartoydooda Champions Leaque-ga Uga Qayb Galaya
September 4, 2017 - Written by Reporter:

Kooxaha Yurub ee Champions Leaque ka jira ayaa UEFA u gudbiyay dhamaan liisaska ciyaartoyda kooxahooda uga qayb galaya UEFA Champions Leaque waxayna UEFA haddaba shaacisay inta badan kooxaha ay liisaska ka hayso iyada oo ilaa jimcihii ku mashquulsanayd in ay hubiso ciyaartoyda ay kooxuhu kala qayb galayaan Champions Leaque.

Sidaa daraadeed, waxay UEFA koox kasta ugu baahan nayd in ay soo gudbiso liiska kooxdeeda iyada oo koox kasta laga doonayay in ay wakhtiga loo qabtay ku soo gudbiso liiska ciyaartoyda ay u soo xulatay in ay kaga qayb gasho UEFA Champions Leaque. Dhamaan kooxaha Yurub ayaa la siiyay in ay jimichii ku soo dhamaystiraan liisaska kooxahooda laakiin UEFA ayay wakhti ku qaadatay in ay liisaskan xaqiijiso iyada oo ugu danbayn koox kasta liiska ay soo gudbisay la shaaciyay.

 

Haddaba halkan kaga bogo liisaska kooxaha Champions Leaque iyo ciyaartoyda uga soo muuqan doonta tartankan oo dhawaan dib uga furmi doona garoomada Yurub. Inkasta oo ay Chelsea liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee Premier leaque ay ku soo dartay Diego Costa waxay ka saartay liiska ay UEFA u gudbisay ee Champions Leaque.

 

Liiska Ciyaartoyda Chelsea Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Willy Caballero,Thibaut Courtois, Eduardo

 

Difaaca: Antonio Rüdiger, Marcos Alonso, Davide Zappacosta, Gary Cahill, Andreas Christensen,César Azpilicueta,
David Luiz, Jake Clarke-Salter

Khadka Dhexe: Cesc Fàbregas, Danny Drinkwater, N’Golo Kanté, Eden Hazard, Pedro Rodríguez, Tiemoué Bakayoko
,Victor Moses,Kenedy, Charly Musonda, Willian, Kyle .

Weerarka: Álvaro Morata, Michy Batshuayi

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca Zidane

Difaaca: Dani Carvajal, Jesús Vallejo, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Theo Hernandez, Achraf Hakimi,Álvaro Tejero
,Luismi Quezada,Manu Hernando, José León Bernal

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Casemiro, Lucas Vazguez,Marcos Llorente, Marco Asensio, Isco, Kovacic, Dani Ceballos

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Gareth Bale, Borja Mayoral, Dani Gómez, Franchu, Óscar

Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Marc-André Ter Stegen, Jasper Cillessen, Adrián Ortolá

Difaaca: Nélson Semedo, Gerard Piqué, Javier Mascherano, Jordi Alba, Lucas Digne, Aleix Vidal ,Samuel Umtiti
,Thomas Vermaelen.

Khadka Dhexe: Ivan Rakitić, Sergio Busquets, Denis Suárez, Arda Turan, Andrés Iniesta,Rafinha,Paulinho, Gerard Deulofeu, Sergi Roberto, André Gomes.

Weerarka: Luis Suárez, Lionel Messi, Ousmane Dembélé, Paco Alcácer

Liiska Ciyaartoyda Man City Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Claudio Bravo, Ederson, Aro Muric

Difaaca: Danilo, Vincent Kompany, Eliaquim Mangala, Benjamin Mendy, Nicolas Otamendi, John Stones, Kyle Walker

Khadka Dhexe: Fabian Delph, Kevin De Bruyne, Fernandinho, Ilkay Gundogan, Leroy Sane, Raheem Sterling, Bernardo Silva, David Silva, Yaya Toure

Weerarka: Sergio Aguero, Gabriel Jesus

Liiska Ciyaartoyda Man United Ee UEFA Champions League :

David De Gea, Sergio Romero; Victor Lindelof, Eric Bailly, Phil Jones, Marcos Rojo, Chris Smalling, Daley Blind, Luke Shaw, Antonio Valencia, Matteo Darmian; Paul Pogba, Juan Mata, Jesse Lingard, Michael Carrick, Ashley Young, Ander Herrera, Henrikh Mkhitaryan, Marouane Fellaini, Nemanja Matic; Romelu Lukaku, Zlatan Ibrahimovic, Anthony Martial, James Wilson.

Liiska Ciyaartoyda Tottenham Ee Champions Leaque: Hugo Lloris,Michel Vorm, Paulo Gazzaniga, Kieran Trippier, Danny Rose, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Davinson Sanchez, Juan Foyth, Serge Aurier, Ben Davies, Victor Wanyama, Georges-Kevin Nkoudou, Eric Dier, Moussa Sissoko, Mousa Dembele, Dele Alli,Christian Eriksen, Heung-Min Son, Harry Kane, Fernando Llorente

Liiska Ciyaartoyda Juventus Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Buffon, Szczesny, Pinsoglio

Difaaca: De Sciglio, Chiellini, Benatia, Alex Sandro, Barzagli, Howedes, Rugani

Khadka Dhexe: Pjanic, Khedira, Marchisio, Matuidi, Asamoah, Sturaro, Bentancur

Weerarka: Cuadrado, Higuain, Dybala, Douglas Costa, Mandzukic, Bernardesch

Liiska Ciyaartoyda AS Roma Ee Champions Leaque: Nura Abdullahi, Alisson Becker, Bruno Peres, Gregoire Defrel, Daniele De Rossi, Edin Dzeko, Stephan El Shaarawy, Federico Fazio, Maxime Gonalons, Rick Karsdorp, Aleksandar Kolarov, Kostas Manolas, Hector Moreno, Radja Nainggolan, Juan Jesus, Diego Perotti, Lorenzo Pellegrini, Gerson, Patrik Schick, Lukasz Skorupski, Kevin Strootman, Cengiz Under

Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee UEFA Champions League :

 Goolhaye: Loris Karius ,Simon Mignolet ,Danny Ward

Difaaca: Dejan Lovren ,Joe Gomez,
Ragnar Klavan,Alberto Moreno ,Andy Robertson ,
Joël Matip ,Jon Flanagan ,Conor Masterson ,Trent Alexander-Arnold

Khadka dhexe:Georginio Wijnaldum ,James Milner ,Philippe Coutinho ,
Jordan Henderson .Marko Grujić ,Emre Can,Cameron Brannagan,Ovie Ejaria ,
Sheyi Ojo ,

Weerarka:Roberto Firmino ,Mohamed Salah ,Daniel Sturridge ,Sadio Mané ,Divock Origi,Dominic Solanke ,
Ryan Kent ,Rhian Brewster,Ben Woodburn,Harry Wilson.

Liiska Ciyaartoyda Napoli Ee UEFA Champions League :

Goolhaye: Rafael Cabral ,Luigi Sepe ,Pepe Reina

Difaaca:Mário Rui,Christian Maggio ,Nikola Maksimović ,Vlad Chiricheş ,Elseid Hysaj,
Kalidou Koulibaly ,Faouzi Ghoulam ,Raúl Albiol ,

Khadka Dhexe: Allan Allan ,Jorginho Jorginho ,
Dries Mertens ,Emanuele Giaccherini ,Marek Hamšík ,Piotr Zieliński
Marko Rog,Amadou Diawara,

Weerarka:José Callejón ,Lorenzo Insigne ,Adam Ounas ,Arkadiusz Milik

SHARCIGA AY UEFA U DHIGTAY MAGACAABISTA CIYAARTOYDA KOOXAHA:

Imisa Ciyaartoy Ayaa Looga Baahan Yahay List A?

Koox kastaaba waxay liiska kowaad ee List A ku soo gudbinaysaa 25 ciyaartoy waxaana waajib ku ah in laba ka mid ahi ay yihiin goolhayayaal taas oo la micno ah in koox kastaaba ay soo gudbinayso ugu badnaan 23 ciyaartoy oo garoonka dhexdiisa ka ciyaari kara iyo 2 gool haye mana jirto koox soo gudbin karta liis ka badan 25 ciyaartoy ee List A.

Waxaa jira siddeed boos oo loo baneeyay ciyaartoyda maxaliga ah ee ka soo jeeda horyaalada ay kooxuhu ka dhisan yihiin, taas oo la micno ah in koox kastaaba ay liiska kooxdeeda kowaad ee List A ay ku soo gudbinayso 8 ciyaartoy oo ka soo jeeda horyaalka ay ka dhisan tahay. Laakiin haddii ay kooxi haysto 8 ciyaartoy in ka yar oo ka soo jeeda dalka ay ka dhisan tahay waxaa markaas laga yarayn doonaa  List A ciyaartoydii ugu badnayd ee ay ka diwaan gashan kartay.

Waxaa jira laba nooc oo ay ka kooban yihiin ciyaartoyda xaliga ah ee ay kooxuhu diwaan gashan karaan:

1-Ciyaartoy ay kooxdu soo tababartay- waa ciyaartoy kooxda Champions Leaque ka diwaan gashanaysaa ay soo haysatay muddo saddex sano ah isla markaana ay da’doodu u dhexayso 15 sano jir ilaa 21 sano jir.

2-Ciyaartoy kooxda xidhiidh la leh- Waa ciyaartoy hadda ka tirsan kooxda Champions Leaque ka diwaan gashnaaysa laakiin muddo saddex sano ah ku soo tirsanaa koox kale oo ay isla kooxda diwaan gashanaysa isku horyaal yihiin oo uu xidhiidh kubbada cagta ahi u wada taliyo waana in da’doodu ay u dhexayso 15-21 sano jir.

Laakiin kooxna looma ogola in ay Champions Leaque ka diwaan gaashato in ka badan afar ciyaartoy oo ay kala soo wareegto kooxo ay isku horyaal yihiin, sidaa daraadeed, koox kastaaba waxay haystaa fursada ay List A ugu diwaan gaashan karto siddeed ciyaartoy oo ay muddo sadex sano ah kooxdeeda ku soo haysatay oo ay da’doodu u dhexayso 15-21 sano jir laakiin haddii ay koox kale ka soo tirsanaayeen saddexdii sano ee ugu danbeeyay balse ay isku horyaal yihiin waxay haystaa fursad aan ka badnayn afar ciyaartoy oo List A ay ku soo dari karto.

Maxay yihiin Ciyaartoyda Liiska Labaad Ama List B?

Kooxaha Yurub waxaa la siiyay fursad labaad oo ay ku diwaan gashan karaan liiska ka baxsan ciyaartoyda List A oo ah liiska kowaad ee sida tooska ah uga qayb gali doona kulamada Champions Leaque. Laakiin shuruuda ku xidhan liiska labaad ee List B ayaa ah in uu ciyaartoygu dhashay laga soo bilaabo 1 January 1996 isla markaana uu kooxda ka soo tirsanaa muddo laba sano ah oo aanu wakhti u dhexayn laga soo bilaabsho dhalashadiisii 15 aad. Haddii uu ciyaartoygu 16 sano jir yahay waa in uu kooxda ka soo diwaan gashanaa labadii sano ee ugu danbeeyay.

Laakiin faa’iidada ugu wayn ee List B ayaa ah in kooxuhu ay haystaan in tirada ay doonaan ay ku soo qoran karaan, ma jirto tiro lagu xadiday oo uu ka koobanaan karo Liiska labaad ee List B waxayna koox kastaaba ku soo darsan kartaa tirada ay doonayso. Sidoo kale list B waxa uu ku fiican yahay in aanu lahayn wakhti uu ku xidhmo sida List B marka laga reebo in kulan kasta oo Champions Leaque ah maalin ka hor aad liiskan ciyaartoy ku soo dari karto.

Miyay Kooxuhu ciyaartoyda ay UEFA U Gudbiyeen Wax Ka Badali Karaan Inta Uu Xili Ciyaareedku Soco?

Haa…. haddii ay kooxuhu u soo gudbaan wareega 16 ka kooxood ee UEFA Champions Leaque waxay haystaan fursada ay wax kaga badali karaan liiskii ay UEFA hore ugu gudbiyeen, waxayna sababtu tahay in ciyaartoyda bisha January lala soo saxeexdo lagu dari karo liiska Champions Leaque. UEFA ayaa markale kooxaha Yurub ka doonaysa in liiska kooxahooda ay u soo gudbin doonaan Febuary 1 markaas oo uu soo xidhmi doono suuqa qaboobaha ee January.

Laakiin koox kastaba waxaa loo ogol yahay in ay liiska ay hadda soo gudbiso ay saddex ciyartoy oo cusub ku soo korhdin karto iyada oo aan waliba dhaafayn xadiga ugu sareeya ee 25 ka ciyaartoy ee list A. Haddii aan si kale u dhigno haddii ay kooxihi hadda UEFA u gudbiso 25 ciyaartoy oo ay bisha January la soo wareegto 4 ciyaartoy, waxay haystaa fursada ay 3 ka mid ah Champions Leaque ugu diwaan gashan karto Fabruary 1 balse waxaa waajib ku ah in ay liiskii hore ka saarto saddex ciyaartoy si aanu liisku uga badan 25ka ciyaartoy ee List A ugu sareeya ee ay kooxi kaga qayb gali karto UEFA Champions Leaque.

Muxuu yahay Sharciga Ciyaartoyda U diidaya in Ay Laba kooxood U Ciyaaraan Champions Leaque ama Europa Leaque hal xili ciyaareed gudihii?

Haddii uu ciyaartoy koox ku jirta tartamada UEFA Champions Leaque ama UEFA Europa Leaque uu heerka Groupyada ama wixii ka danbeeya u ciyaaro, waxaa mamnuuc ka noqon doonta in uu koox kale oo Champions Leaque ama Europa Leaque ku jirta uu tartamadan uga ciyaari karo. Waxaa taas ka reeban ciyaartoyda kooxaha uga soo ciyaaray kulamadii isreeb reebka Europa Leaque ama Champions Leaque kuwaas oo u ciyaari kara kooxo kale maadaama oo uu shacigani ka bilaamayo heerka Groupyada Champions Leaque ama Europa Leaque.

Waxa ay ujeedadu tahay in ciyaartoy aanu hal xili ciyaareed laba kooxood uga wada ciyaari karin tartamada Yurub ee Champions Leaque iyo Europa Leaque. Tusaale ahaan haddii ay ciyaartoy kooxdiisu ku hadho heerka Groupyada Champions Leaque ama Europa Leaque oo ay bisha January koox kale oo tartamadan ku jirtaa ay soo iibsato waxa uu sharcigu u diidayaan in ay diwaan gashan karto.

 

960

Haddii ay kooxuhu ku xisaabtami waydo adeega labadii goolhaye ee ay ka diwaan gaashatay Liiska kowaad ee List A sababtoo ah in uu soo gaadhay dhaawac wakhti dheer ah ama uu qabo xanuun ka badan 30 maalmood, waxay kooxuhu si ku meel gaadh ah u buuxin karaan booska goolhayaha ama labada goolhaye inta lagu jiro xili ciyaareedka.

COMMENTS
LINKS