Khilaafka Iiraan Iyo Maraykanka Oo Cirka Isku Shareeray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafka Iiraan Iyo Maraykanka Oo Cirka Isku Shareeray
September 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Madaxwaynaha waddanka Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa khudbad uu ka jeediyay gollaha guud ee QM waxaa uu si xooggan ugu cambaareeyay dhaleecaynta uu dalkiisa kala kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

2017921636415556461716855ruu

Ruuxaani ayaa sheegay in hadalkii weerarka ahaa ee ku jiray khudbaddii uu Trump goor hore ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ahaa mid uu ka muuqday Jaahilnimo, wax laga yaqyaqsiyoodo iyo naceyb.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dadkiisa aysan cabsi gelin doonin hanjabaadaha uga imaneysa sida uu hadalka u dhigay dalka Mareykanka.

Trump ayaa Iiran ugu yeedhay dowladd musuq-maasuq ah oo keli talis ah oo colaadan faafinaysa.

Madaxweyne Trump waxa kale oo Iiran uu ugu yeedhay hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yidhi Iiraan waxay isku deyday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiraan in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Balse Madaxweyne Ruuxaani waxaa u difaacay heshiiskaasi waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxeexay u ku xadgudbo.

COMMENTS
LINKS