Ilmo Yar Oo Bil Jira Oo Ay 7 illig U Soo Baxeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ilmo Yar Oo Bil Jira Oo Ay 7 illig U Soo Baxeen!
September 8, 2017 - Written by Reporter:

Dhaqaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilkood ka bixiyay ilmo yar oo bil uun Jiray.

Sida ay kusoo waramayso wariyaheena Hindiya Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhakhtarka geeyay kadib markii ay hooyadii dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaamaa uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniinayo naaska.

 

_97723171_bildhallan

Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha looga bixiyay kadib ay xaaladiisu fiicantahay ilmahan yar.

Waa arrin kheyru caadi ah in ilmo bil jiray ay ilko usoo baxaan.

Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaadho xiligii ay ilkahu u soo bixi lahaayeen.

COMMENTS
LINKS